Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay qeyb ahaan isaga baxeen maamulkii Alshabaab ee gacanta ku hayay magaalada muddo ku dhow 4 sanadood.
Waxaa sare u sii kacaya dadka rayidka ah ee ka barakacaya magaaladaas, xilli maalmihii la soo dhaafay dagaallo qaraar ay ka dhacayeen deegaanno ku dhow dhow maagalada Kismaayo.
Waxaa xiran goobaha ganacsiga qaarkood iyadoo ay hakad ku yimaadeen adeegyadii magaaladaas qaar kamid ah, cabsi xooggan ayaa sidoo kale soo food saartay dadka ku haray gudaha magaalada, waxaana qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlayay idaacadda Ergo ay sheegayaan inay arkayaan diyaaradaha dagaalka oo dul heehaabaya magaalada.
Mid ka mid ah dadka ku nool gudaha magaalada kismaayo oo magaciisa ka gaabsaday ayaa idaacadda Ergo u sheegay in maalmihii la soo dhaafay dadku ay ku qaxayeen gaadiid iyo dameerro, halkaasoo ay ku gaarayaan tuulooyinka ka baxsan magaalada.
Dadka rayidka ee ka barakacaya gudaha magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaanno ay ka mid yihiin Buula gaduud , Jammaame iyo tuulooyin kale oo hoos taga gobolka Jubbada hoose.
“Waxaan maqlaynaa in ciidamada huwanta ay soo gaareen deegaanka lagu magacaabo Birta dheer, waxaa dusheenna maraya diyaarado dagaal, runtii waxaan dareemeynaa cabsi aad u xooggan ma garaneyno xilliyada soo socda sida ay xaaladdeennu noqon doonto.” sidaana waxaa Ergo u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool degmada Kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee xaaladda magaalada Kismaayo ayaa haatan u muuqata mid ay cabsi ka jirto, iyadoo wararka ugu dambeeya ee halkaasi laga helayana ay sheegayaan in dhaqdhaqaaq ciidan ay wadaan dhinacyada isku hor fadhiya duleedka magaalada.
Cabdisamad/MG/FM