Qorshaha lagu gargaarayo barakac ka dhasha Kismaayo oo la diyaariyay

0
25
17 September, 2012 NAIROBI
Weriyeheenna Maxamed Gaarane ayaa wuxuu arrimo la xiriira badbaadinta dadka rayidka ah, haddii ay jiraan qorshe gargaar oo mucaawinooyin lagu gaarsiinayo dadka ku barakaca howlgalka AMISOM iyo dowladda oo ku wajahan Kismaayo iyo arrimo kale ka wareystay madaxa UNHCR ee Soomaaliya, Mr. Bruno Geddo oo Nairobi ku sugan.
Wareysigiinna wuxuu u dhacay sidan hoose:

Mudane waxaan ognahay in barakac uu ka jiro Kismaayo, maxaad nooga sheegi kartaa arrimahaas?

Jawaab: Haa, Kismaayo agagaarkeeda waxaa jirta barakac xaddidan, intii u dhaxaysay bilihii July iyo September waxaan diwaangelinnay isugu geyn 4,000 oo qof, 1500 waxay dibadda uga barakaceen magaalada Kismaayo labadii toddobaad ee ugu dambaysay, 1,000 kalena waxay ka barakaceen Marka. Sidaa darteed hadda sababaha keenay in barakaca uu ku yaraado Kismaayo waxay tahay dhowr arrimood, mida ugu horeeysa waxay tahay sida aad ogtahay dadka rayidka ee Kismaayo waxay la qabsadeen dagaallo yar yar iyo colaado, sidaa darteed waxay sameeyaan magaalada ayay isaga baxaan, magaalada bnanaanka ayay ka degaan islamarka uu dagaalku joogsado way soo laabtaan, tan macnaheedu wuxuu yahay in magaalada ay mararka qaar dibadda ka joogaan maalin iyo labo.

Sababta kale waxay tahay waxaa jiray labo xero oo waa weyn oo ay degganyihiin dadka barakacay oo ku yaalla Kismaayo, intii badnayd dadkaas barakacayaasha waxay isaga tageen xeryahaas sababo kale duwan dartood, iyagoo tagay Jammaame xitaa ka hor inta aysan caddaan in AMISOM ay magaalada la wareegayso.

Sababta saddexaad waxay tahay in dadka magaalada haray in badankood ay yihiin dad ku lug leh ganacsiyo, iyagoo niyadda ku haya in magaalada ay isaga tagi doonaan mintidiinta, iyagoo dagaal aan ku gelin, tanoo horey uga dhacday Marka, Afgooye, Baydhabo iyo Baledweyne…. iyadoo aysan jirin sabab ay u qaxaan.

Suáal: Maxaad tallaabo ah oo la xiriirta in dadka magaalada la badbaadiyo oo aad qaaddeen, sida aad sheegayso waxaa jira taariikh la xiriirta in dadku ay magaalada dibadda uga baxaan oo ay haddana ku soo laabtaan, sidaan ognahayna ma jiraan adeegyo ay dadkaas ku heli karaan goobaha ay u qaxaan? Maxaad tallaabo ah oo arrimahaas la xiriira aad hirgeliseen?

Jawaab: Haa sax, jawaabaheena la xiriira dhinaca kaalmada, waxaan diyaarinnay qorshaha gurmadka Kismaayo, waxaana isla garanay hay`adaha aanu wada shaqeyno, waxaanu haynaa tiro aanu ku shaqeyn doonno oo gaaray illaa 60,000 oo qof oo magaalada ka barakici karta, haddii uu dagaal dhaco oo howlgalka la rajeynayo ay magaalada ku gallaan ciidamo dhulka ah, 60,000 oo barakaca ah wuxuu ka dhiganyahay inay u baahnaan doonaan isugu geyn qiyaas ahaan 10,000 oo ah alaabooyinka aan cuntada ahayn ee guryaha loo isticmaalo iyo baco si ay u samaystaan guryo kumeel gaar ah.. sidaa darteed waxaanu xaqiijinnay in aanu keydkeenna ku hayno 10,000 oo agabka kaalmadaas ah si aan u qeybinno, oo aanu uga caawinno inay ku sii noolaadaan muddada ay bannaanka joogaan inta aysan laaban…Dhinaca badbaadinta dadkaas, waxaanu sii wadnaa howlaheenna badbaadada, si toos ah iyo iyadoo aanu sii marayno hay`adaha aanu wada shaqeyno…waxaad aragtay in AMISOM ay qaadday taxadar hore, si ay dadka ugu sheegto si waadax ah inay hoos u dhigayso khasaare soo gaara dadka shacabka… habka ay ula wareegeen magaalada Afgooye oo ay u xaqiijiyeen in la badbaadiyo dadka rayidka ah ee waddada Afgooye ayaa ah calaamad tusaale ah, waana rajeynaynayaa in dadka rayidka aysan saamayn colaadaha.

Mudane ma jeclaan lahayd inaad wax farriiin u ah u gudbiso dadka rayidka ah ama dhinacyada ishaya ee dirirta ay u dhaxayso, si loo badbaadiyo dadka shacabka ah?

Jawaab: Fariinteenna waa isla sidii, fadlan wax kasta u hura sidii aad u badbaadin lahaydeen intii aad badbaadin kartaan oo dadka xilligan adag.

MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here