Maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaalad bani`aadannimo oo liidata ay ka taagan tahay degmada Marka iyo tuulooyinka ku hareeraysan, tanoo ay sabab uga dhigeen markii dadka ay dhaafeen dhammaan ilihii nolosha ee ay haysteen.
Guddoomiyaha degmada Marka, Axmed Cabdi Macallin Cukaash, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay “Gurmad aad u badan oo degdeg ah ayey dadku u baahan yihiin in lala soo gaaro, dadka muuqaalkiisa ayaad ka garan kartaa dhibaatada haysata. Deegaannada Ceel Jaalle, Shalanbood, Buufow, Ceel wareegoo iyo illaa nambar Konton mid mid dhaantaa kuma jirto, dadku waxay ahaayeen beeralley, xoololley iyo kalluumaysato, beerihii way baaqdeen, xoolihiina abaarhihii ayey ku dhaafeen, sidoo kale waqtigaanna kalluunku wuu yar yahay, maaddaama lagu jiro xilliga xagaaga,”
Guddoomiyaha ayaa sidookale sheegay inay ka maamul ahaan keliya arrimaha ammaanka ay la daalaa dhacayaan, aysanna awood u lahayn inay dadkaan u gargaaraan.
Dhanka dadka ku dhaqan deegaanka lambar konton ayaa dhibaatooyinka nololeed ee haysta waxaa ugu sii daran biyo la`aan ka jirta deegaannadaasi, kadib markii ay fariisteen laba ceel biyood oo ku yaalla deegaankaas.
Maxamed Yuusuf, oo ka mid ah dadka reer lambar konton oo aan qadka telefonka kula xiriirnay ayaa isagoo ka warbixinaya dhibaatooyinka biyo la`aan ee ka taagan deegaannadaasi iyo meelaha aay dadkaasi biyaha uraadsadaan wuxuu yiri “Walaal deegaanka lambar konton biyo la`aan xooggan ayaa ka jirta oo waxaa hallaabay labo ceel oo muhiim u ahaa dadka deegaanka, hal ceel oo kaliya ayaa xilligan shaqeeya kaasina ma dabooli karo baahida dhinaca biyaha, dadka waxaa ay biyo uraadsadaan deegaannada Saliini iyo Muuri oo illaa siddeed kiilo mitir iyo lix kiilo mitir u jirta deegaanka. Waxaana dadku ay biyaha ku soo dhaansadaan gaari dameeri iyo waliba haweenka madaxa ku soo aroora,runtii arrintaasi waa mid ku adag dadka deegaanka, fuustadii biyo ah waxaa lagu kala iibsadaa illaa lixdan kun oo Shilin Soomaali ah”.
Duruufaha qallafsan ee dadkaas haysta ayaa sidoo kale waxaa sii nugleeyey dagaallada bilihii la soo dhaafay ka jiray deegaankaas oo ay ka dhacaan iska hor imaadyo, iyadoo muddo sanadooyin ahna abaaro ay ku dhufteen ayaa haddana waxaa ku yaraa joogitaanka hay`adaha gargaarka.
MH/AD/FM