Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

0
24

11 September, 2012 MUQDISHO Waxaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, oo isagu 190 cod ka helay ku dhowaad 270 cod oo ay dhiibteen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa wuxuu la tartamay madaxweynaha uu waqtigiisii sii dhammaanayo ee Shariif Sheekh Axmed, isagoo kaga adkaaday cod aqlabiyad leh baarlamaanka hortiisa.

Madaxweynihii hore ee DFKMG Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo qudhiisu goobta doorashada ka dhacday ka hadlay ayaa aqbalay natiijada ka soo baxday doorashada waxaanu tilmaamay inay u dhacday si caddaalad ah.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo goobta doorashada khudbad gaaban ka jeediyay ayaa wuxuu u mahadceliyay madaxweynaha uu xilkiisii dhammaaday Shariif Sh Axmed iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, Isagoo sheegay in Soomaaliya uu u baryay waa cusub.

Doorashada Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaa laga soo dhoweeyay meelo kala geddisan oo caalamka ah, meelaha qaar dadku waxay sameeyeen dibadbaxyo ay ku taageeerayaan madaxweynaha cusub wax yar ka dib marki la doortay. Meelaha dibadbaxyadu markiiba ka billowdeen waxaa kamid ah magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya, halkaasoo ay isugu soo baxeen dad aad u badan kuwaasoo muujinayay farxadda ay u hayaan isbadelka cusub ee waddanka ka dhacay.

Dadweyne fara badan oo ka tirsan qaxootiga ku sugan xerarada qaxootiga Xagardheer ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen meel bannaan si ay u daawadaan doorashada, sida uu ku soo warramay weriyeheenna Farxaan Xasan Nuur Lafoole, oo ku sugan xeradaasi.

Xasan Shiikh Maxamuud oo loo doortay in uu noqdo madaxweynaha afarta sano ee soo socota hoggaamin doona Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, wuxuu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaana intabadan waxbarashadiisii uu ku soo qaatay gudaha iyo dibadda dalka. Isagoo ka soo shaqeeyay xagga waxbarashada iyo samafalka.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM ugu qeybsan Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa soo dhoweeyay tallaabadii taariikhiga ahayd ee mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku doorteen madaxweyne cusub oo ay u doorteen Xasan Sh. Maxamuud.

Mr Mahiga ayaa sheegay in habka doorashada ay u dhacday uu ahaa mid ay Soomaalidu leedahay una wada dhantahay, isagoo sheegay inay u dhacday si hufan.

Mr Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay maalmo adag oo looga guurayay kumeel gaarka, isagoo tilmaamay in la gaaray horumar aad u ballaaran. waxaana uu sheegay in xalay wixii Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen isbeddelkii dimuqraadiyadda ee ugu weynaa muddo 40 sano ah oo Soomaaliya ka dhaca.

Mr Mahiga ayaa qoraalkiisa wuxuu ku sheegay in Soomaaliya looga fadhiyo inay xoogga saarto sidii lagu heli lahaa xasiloonni, dib u heshiisiin iyo in la dhiso hay`adihii dowladda ee loogu adeegi lahaa bulshada.

Musharrixiinta laga guulaystay ayuu ugu baaqay inay dhammaantood ka shaqeeyaan horumarinta Soomaaliya, si loo gaaro mustaqbal ifaya. Dadka Soomaaliyeed mar uu la hadlayay ayuu dhammaantood wuxuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin si loo gaaro maslaxadda umadda iyadoo la eegaayo marxaladdan taariikhiga ah ee ay Soomaaliya marayso, balse wuxuu sheegay in wali loo baahan yahay in wax badan la qabto

Mr Mahiga ayaa wuxuu dhambaalkiisan ku ammaanay dhamaan dadaalladii loo soo maray in kumeel gaarka waqtigiisa lagu soo afjaro, kuwaasoo uu sheegay in ay ka mid ahaayeen doorashii Baarlamaanka cusub iyo golihii ansaxinta dastuurka oo ay soo doorteen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, war qoraal ah oo isna ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in doorashadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ay u dhacday qaab caddaalad ah, muujineysana in dalka Soomaaliya horey u qaaday tallaabooyin muhiim ah oo dhanka isbadalka ah.

Afhayeenka aqalka cad ee dalka Maraykanka Jay Carney, oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay inay la shaqeyn doonaan dowladda cusub ee uu madaxweyna ka yahay Professor .Xasan Sh. Maxamuud.

“Xukuumadda Washington waxay caddeyneysaa inay ku farax santahay inuu guuleysto Prof Xasan Shiikh Max’ud, waana la shaqeyn doonnaa waana hambalyaynaynaa.” Ayuu yiri afhayeenka aqalka cad ee Maraykanka.

Dhinaca kale dowladda Qadar ayaa iyana dhankeeda ku dhawaaqday inay soo dhaweynayso sida doorashadu u dhacday .

War kasoo baxay xafiiska mmiirka Qadar ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya uu u baryay waa cusub oo is baddal keeni doona sida uu yiri.

Sidoo kale qaar ka mid ah waddamada Africa iyo kuwa ku jira ururka Jaamacadda Carabta ayaa iyana soo dhoweeyay doorashada madaxtinimada ee ka dhacday Muqdisho.

Doorashadii xalay ayaa aheyd mid aad loogu farxay loona soo dhoweeyay maadama xilligan dalka uu galay isbaddal dhinaca hormarka a,h lana soo doortay hoggaan ka samata bixin kara bur burka iyo dhibaatadii dalka hareysay.

Cabdisamad Cabdulqaadir/MH/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here