Xaalado adag ayaa ka jira qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka halkaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay dagaallo iyo duqaymo ka dhacayeen, kuwaasoo sababay in qoysas badan oo ku noolaa gobolladaasi gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Kismaayo ay billaabeen inay ka barakacaan degaannadooda .
“Badi dadkii ku noolaa gudaha magaalada Kismaayo waxaay billaabeen inay isaga barakacaan guryahooda, taasoo ay ugu wacan tahay duqeymaha iyo dagaallada ka dhacaya hareeraheenna,” Sidaaan waxaa Ergo u sheegtay haweeney ka mid ah dadka ku nool degmada Kismaayo, haweeneydaasi ayaa sheegtay in dadku ay u barakacayaan dhanka degmada ku taalla xuduudda ee Dhoobley iyo dhanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. “Ma qiyaasi karo dadka ka baxaya gudaha magaalada ee qaxaya, laakiin waxaan idiin sheegayaa in dadku ay ka barakacayaan magaalada Kismaayo, aniga idinla hadalaya go`aan ma gaari karo oo waxaa naga maqan odaygii reerka, laakiin markuu noo yimaado ayaan qadanaynaa go`aan ah inaan jogno ama inaan baxno.” Ayay tiri haweeneydaasi.
Cabsidaan xooggan ee soo wajaheysa dadka ku nool magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa imaanaysa xilli dagaallo culus ay maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen tuulooyin hoostaga degmada iyo duqeymo la sheegay in loo geystay goobo ka tirsan gobolka, kuwaasoo ay fulinayeen ciidamada milatariga dowladda Kenya .
“Arrimahaan ka soo cusboonaaday gobollada Jubbooyinka ee barakaca cusub ah aad ayaan uga xunnahay, qaar kamid ah qoysas ka yimid halkaasina way soo gaareen gudaha magaalada Muqdisho,” sidaa waxaa Ergo u sheegay Cabdullaahi Maxamad Jimaacaale oo isagu ah guddoomiyaha hay`adda maarreynta musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed. Isagoo sheegay in qaar kamid ah dadka ka barakacaya Kismaayo ay gaareen dalka Kenya, taasoo uu sheegay inay ka xun yihiin qulqulka barakacayaasha ee xilli kasta soo cusboonaanaya .
“Qoysaska ku nool goobaha colaaddu ka oogan tahay waxay qabaan baqdin fara badan, taasoo ku aaddan in la duqeeyo ama dushooda lagu kor dagaallamo, mana jirto wax ay kaga hortagi karaan,waxaan ka codsanaynaa ciidamada midowga Afrika inay yareeyaan khasaaraha shacabka gaaraya, waxaan u sheegaynaa sidoo kale inay dadka rayidka ah ilaaliyaan oo ay u digaan.” Ayuu yiri Cabdullaahi.
Wuxuu dhanka kale ka codsaday hay`adaha samafalka inay la socdaan xaaladaha ay waajahayaan qoysaska deegaanka, haddii ay suura gal tahayna ay gurmad gaarsiiyaan.
Si kastaba, xaaladda magaalada ku taalla xeebta Badweynta Hindiya ee Kismaayo ayaa maalmahaan dambe waxaa ka taagan loollan adag oo ku aaddan gacan ku haynteeda, taasoo sababatay in dadka deggan degmada ay soo wajahdo cabsi xoog badan.
Cabdisamad/MG/FM