Saddex nin oo xamaalato ahaa oo shalay lagu dilay xerada qaxootiga Ifo, deegaanka Dhadhaab gobolka Woqooyi-bari Kenya ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka deegaanka, iyadoo ay casbi iyo naxdin ku noqotay dilkaasi.
Saddexdan nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdinuur Cali, Sabti cusman Fiile iyo Nuur Maxamed Cusmaan ayaa waxay ahaayeen xamaalato inta badan ku shaqeysta kareetooyin, iyagoo dhulka miyiga uga keena waxyaabaha loo isticmaalo guryaha sida dhista iyo tiirarka.
Nin qaraabo la ah nimankaasi la dilay oo magaciisa kusoo koobay Deerow ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee raggaasi loo dilay, balse ay uga shakisan yihiin aano qabiil.
Booliiska iyo dadweynaha xerada ku dhaqan ayaa ku guuleystay soo helidda meydadka saddexda nin, iyadoo isla shalayba lagu aasay xerada Ifo.
Deerow ayaa sheegay in saddexdoodaba ay dhowaan ka yimaadeen dalka Soomaaliya, iyagoo abaartii dalka ku dhufatay sanadkii hore kasoo qaxay.
Dhowaan ayaa xerada Ifo lagu dilay nin la joogay Lo` uu lahaa, balse dilka saddexdan nine e hal maalin la wada dilay ayaa cabsi xooggan ku beertay qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab.
Qureesho Xuseen Raage oo ka mid ahayd ma`suuliyiinta xerada Ifo, ayaa iyadana dhowaan ay rag hubeysan ku dileen gudaha xeradaasi.
Falalka mmaan darrada ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo boqollaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ay ku jiraan.
Farxaan Lafoole/MG/FM