Muhaajiriin soomaali ah oo ku jira xabsiyo libya oo dalbaday in dalka lagu celiyo

0
110

Dhalinyaro soomaaliyeed oo tahriib ahaan ku soo galay dalka Libya muddana halkaasi ku sugnaa ayaa haatan doorbiday inay dalkooda dib ugu soo laabtaan. Dhalinyaradan oo tiradoodu ay laba boqol ka badantahay ayaa safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi iska diiwaan geliyay si dib loogu celiyo.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Libya Cabdiqani Maxamed Waceys, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dib u laabashada  dhalinyaradan ay iska kaashanayaan  safaaradda Soomaaliya, dowladda Libya, UNHCR iyo uruka muhaajiriinta caalamiga ah IOM.

Illaa 700 oo maxaabiis Soomaaliyeed ayaa ku jira xabsiyada dalka Libya, sida uu safiirku sheegay.  Waxaana la qabtay qaarkood xilli ay doonayeen inay dalkaasi uga sii gudbaan dalka Talyaaniga. “Qof kasta oo doonaya inuu dalkiisa dib ugu laabto, Libya diyaar ayay u tahay inay ka caawiso. Haddii kalana dowladda Libya waxay go`aansatay inay baddeeda xirato oo aan laga tahriibin.” Ayuu yiri Danjire Cabdiqani.

Wuxuu safiirku sheegay inaan cedna lagu qasbeynin inay dalkeeda dib ugu laabato, balse qofkii iskiis u laabanaya la caawinayo, wuxuuse ugu baaqay kuwa aan dooneynin inay dib u laabtaan inay ka shaqeystaan gudaha Libya oo aysan kaisi tahriibin, taasoo sida uu sheegay khatar badan u keeneysa.

“Dhalinyarada Soomalaiyeed ee dalkaan jooga waxaa laga dhaadhicin waayay inay gudaha dalkaan ka shaqeystaan, bilihii Maarso iyo Abriil ee sanadkan dhalinyaro gaaraya 200 ayay safaaraddu ka sii deysay xabsiyada iyadoo damaanad qaadday inay shaqeysanayaan, balse labadaasi boqol qaarna waa la la`yahay, qaarna xabsiyada ayay ku jiraan.”

Dalka Libya oo inta badan Soomaalida doonaya inay galaan waddamada Yurub ay marin kasii dhigtaan, ayaa muddo waxaa ka socday rabshado siyaasadeed kuwaasoo dhibaatooyin badan ay kala kulmeen muhaajiriinta horraanba u joogay dalkaasi iyo kuwa xilligaas soo galay.

MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here