QM oo ka walaacsan dilalka wariyayaasha soomaaliya

0
33

QM ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya  inay awooddeeda isugu geyso dhammeynta tacaddiyada loo geysanayo warfidiyeennada Soomaaliyeed, oo sanadkan dhexdiisa gudaha dalka lagu dilay 8 weriyeyaal.

Irina Bokova, oo ah agaasimaha hay`adda QM u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka QM ee UNESCO ayaa cambaareysay dilkii ugu dambeeyay ee weriye Maxamuud Cali Kheyrre loogu geystay magaalada Muqdisho.

Bokova ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay dilalka sii kordhaya ee loo geysanayo bulshada rayidka ah ee ay ku jiraan wariyayaasha Soomaaliyeed.

Maxamuud Cali Kheyre oo loo yaqaanay Buneyste oo 23 jir ahaa ayaa 12-kii  August waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Buneyste ayaa kamid ahaa wariyayaasha dibada uga soo qaxay Soomaaliya, isagoo  muddo labo sano ah ku noolaa magaalada Nairabi ka hor inta uusan dib ugu laaban dal bartamihii sanadkan kaddib markii xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ay xoogaa soo wanaagsanaatay sanadkan.Marxuumkaas ayaa u geeriyooday hal xabbad oo  uga dhacday madaxa.

Tan iyo sanadkii 2009, 18 saxafiyiin ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, iyadoo sanadkan 2012ka uu kamid ahaa sanadii ugu xumaa ee soo mara wariyayaasha Soomaalida.

FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here