Magaalada Muqdisho waxay muddo dheer ahayd caasimadda ugu khatarta badan marka loo eego kuwa caalamka, collaado iyo daggaanaansho la`aan baahsan oo kajirtay magaalada ayaana ku dartay liiska madow, waxaase xilligaan ka jirta isbedel dhanka ammaanka ah oo saldhig ay u noqotay in magaalada ay ka soo bidhaanto ifafaale ammaanka ah, xilligan magaalada ayaa ah mid marti gelisay dadkii ugu badnaa ee ka soo laabtay gobollada dalka iyo dibadda, taasoo ay barbar socoto qorshayaasha siyaasadeed ee kala geddisan xiiso badan iyo xamaasadna wata, waxaana magaalada xilligan laga dareemayaa ganacsi iyo wax iibsasho aan ku koobnayn keliya maalintii, hadda xilliyadii habeenkii guud ahaan shaqaynaya ganacsiga, goobaha laga dareemayo ganacsigaas waxaa ka mid ah waddada Maka Al-mukarrama oo ay ka furmeen carwooyin waawayn, Hoteello, maqaaxiyo iyo waliba meelaha laga qaxweeyo ee loo yaqaan Coffetera.
Qaar ka mida milkiilayaasha carwooyinka ayaa kuu sheegaya in xilligan ay gaaraan waqti dambe oo habeenkii ah islamarkaana ay u yimaadaan macaamiil ka adeegta, ammaankuna yahay mid laysku halaynkaro.
Cabdulqaadir Nuunnow waa mulkiilaha carwada ganacsi ee Al-kowsar, wuxuuna Raadiyo Ergo u sheegay “Muddo sanado ah oo tegey ma arag ganacsi ka wanaagsan kan hadda aan haysanno, xilliyo badan oo hore ganacsigaygu wuxuu ku ekaa maalintii oo marka casarkii la gaaro gurigaygaan u ordin jiray si aan uga nabad galo mugdiga iyo colaadda is huwanaa ee baqdinta badnaa kana jiray mudda dheer Muqdisho, haddase waxaan shaqeeynaa illaa waqti dambe oo habeenkii ah waxaana magaalada ka jira dhaq dhaqaaqa aad aragto”.
Sidoo kale caadiyan bulshada Soomaaliyeed ayaa dhaqan u leh inay xilliga habeenkii ah socdaan oo ganacsina sameeyaan, taasoo ku salaysan arrimaha dhaqan-dhaqaale ee soo jireenka u ah, inkastoo ay wax ka beddeleen xilliyadaan adag, taasoo hadda aad arkayso xilliyada habeenkii dadweynaha ku dhaqan magaalada oo xaafado kala duwan ukala soconaya, waxaana shaqaynaya gaadiidka dadwaynaha ee loo yaqaanno (Baabuurta Laraaco – BL), dadkuna way dukaamaystaan.
Saynab Maxamed waa hooyo ku dhaqan degmada Waaberi, waxaana ay xilli habeen ah ay Ergo ugu warrantay illinka hore ee Albaabka gurigeeda oo ay ii sheegtay inay ku gaarto xillli dambe hadda, balse markii hore albaabkeeda ay ahayd meelaha dagaalka uu ka dhaco,”Waxaan dareemaynaa in uu jiro isbedel dhanka amaanka ah, waxaana magaalada hadda ka shaqaynaya ganacsi waana dukaamaysanaa xilliyada habeenkii”ayay tiri Satnab Abwaan Cabdikariim Faarax Jiice waa mid kamida abwaanada Soomaaliyeed wuxuuna Ergo u sheegay “Waxaan fadhiyaa laamiga waxaanan ku gaaraa muddo xilli dambe ah, annigoo xusuusanaya berisamaad aan ku caweyn jiray dariiqyadii quruxda badnaa ee magaladu lahayd.”
Dhalinyarada ayaay arrintaani si nuxur leh u taabatay, iyagoo waqtiyo badan ahaa guri ku jir, ka baqa qaba in la bartilmaameedsado, haddase habeenkii waxay isugu yimaadaan goobaha aflaanta lagu daawado ama meelaha cajaladaha lagu kireeyo, waxaana ay kiraysanayaan canjaladaha waxaana qaar kamida dhalinyarada ay u sheegeen Ergo dareenkooda iyagoo sheegay in wax badan inay la tahay riyo waxay arkayaan, ayse ku faraxsan yihiin xorriyadda ay dareemayaan.
Is-goysyada magaalada waxaa xilliyada habeenkii kus ugan ciidamada booliska Soomaaliya, iyagoo sugaya ammaanka, hubinayana dhammaan gaadiidka dadwaynaha iyo kan sida gaarka ah loo leeyahay, waana tallaabadda dhiirri gelisay dadku inay xilli habeen ah oo in badan aan la socon jirin Muqdisho ay dukaamaystaan ama sameeyaan ganacsiyo kala duwan.
AA/MH