Allaha u naxariistee waxaa xalay magaaladan Nairobi ku geeriyooday fanaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano gudaha dalka iyo dibadaba.
Marxuumka Maxamuud Goox Qarboosh ayaa sida ay noo sheegtay xaaskii uu ka geeriyooday Muslimo Qaasim Hilowle waxa uu in muddo ah la xanuunsayay xanuun ka hayay sambabada.
Muslimo Qaasim ayaa sheegtay in kaddib muddo markii uu hayay xanuunkaas sambabada la xiriira uu bilaabay in uu naqaska ku xirmo, tannoo markii dambe keentay in uu geeriyoodo.
Fanaanka ayaa ku geeriyooday istibitaalka Wood Street ee xaafada Islii , halkaasoo lagu wado in saacadaha soo socda laga qaado meydkiisa.
Sida ay muslimo Qaasim inoo xaqiijisay fanaanka ayaa waxaa uu ka tagay shan carruur ah, labo oo kala ahaa labo gabdhood iyo saddex wiil.
Alla ha u Naxariistee Maxamuud Goox Qarboosh waxa uu ka mid ahaa fanaaniintii ugu caansan dalka, isagoo waliba alifay islamar ahaantaasna codeeyay heesta furitaanka u ah idaacada Ergo, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa jilayaasha iyo mu’alifiinta riwaayadaha bulshada iyo nolosha Soomaalida oo ay baahiso idaacada Ergo. Bahda idaacada Ergo ayaa waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan eheladii, asxaabtii iyo umada Soomaaliyeed ee uu ka baxay fanaanka. Alaha u naxariisto Inaa lilaahi Wa inaa Ilaahi Raajicuun.
Maxamed Gaarane