GEGIDA DAYUURADAHA BELEDWEYNE OO DIB LOO DAYACTIRAY

0
47

Waxaa dhowaan soo gabagabeysmay hawl dhismo ah oo dib loogu dayactirayey gegida dayuuradaha Beledweyne,  kadib markii daadadka roobabkii ka da`ay gobolka xillayadii ugu dambeeyey ka jeexeen biyo mareenno dhabbihii dayuuraduhu soo cago dhiganayeen, ayna burburiyeen biyo marinno uu lahaa.

Hawshan dib u dayactirka ah oo uu fulinayey NGO-ga maxalliga ah ee lagu magacaabo SAMRADO ayaa waxaa dhinaca maalgelinta ka taageeray barnaamijka cuntada Qaramadda midoobay ee WFP.

“Hawshani waxay noogu soo dhammaatay si aad u wacan waxayna nagu qaadatay muddo bil ah, iyadoo hawshu fullinayey NGO-ga SAMRADO dhinaca taakuleeynta lacagtana ay bixineeysey WFP, waxaan ka qabannay shaqo aad u badan, waxaana ka mid ah biyo xirreenka kore ee loo yaqaan external embankment oo meelihii go`go`naa oo biyuhu ka jeexjeexeen laga dayctiray iyo Internal embankment oo ah midka gudaha oo isna aad loo dayactiray, dhabbaha diyaaraduhu ku cararaan oo isna aad u dhibaateeysnaa oo biyuhu naafeeyeen gaadiid culusna uu u isticmaalay dariiq ahaan kana dhigeen godad waaweyn oo diyaaraduhu isticmaali karin, sidoo kale waddada weyn ee gegida laga soo galo oo ka go`neyd buunddadii ayaa la dayactiray,”
sidaa waxaa Raadiyo ERGO u sheegay Maxamed Axmed Saney oo ka mid ah NGO-ga SAMRADO.

Mr Saney ayaa sheegay in shaqadani ay qabteen dad muruqmaal ah oo gaaraya 1048, kuwaas oo ku shaqeeynaya “Shaqo cunto ku beddalasho” ayna jirtay shaqaale xirfadlayaal ah iyo gaadiid culus oo loo adeegsaday qarash badan oo lacag ahaan loo bixinayey Gegidan dib u dayactirka lagu sameeyey ayaa muddooyinkan dambe ahayd mid si weyn ay uga muuqatay waxyeello ka soo gaartay daadadka roobabkii ka da`ay gobolka xilliyadii ugu dambeeyey, iyo gegidaan oo aan dayac tir helin muddo dheer. Waxaana dib u dayctirkeedu sahlayaa in garoonka diyaaradaha gobolka Hiiraan uu dib u howl galo.

Gegidan ayaa marka wax laga tilmaamo xilligan wax tarka ay u leedahay aadanaha ku dhaqan deegaankani waxay tahay marin loo soo mariyo gargaarka degdegga ah, sida daawooyinka iyo nafaqeeynta kuwa nugul  dad lagu qiyaaso illaa 85.000 oo ruux oo ku nool gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne, kuwaasoo ay ka mid yihiin kumannaan barakacayaal ah oo ay aafeeyeen iska horimaadyada hubeeysan iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Abdullahi Salad

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here