Soomaaliya ayaa waxaa indhawaalaba ka soconayay qorshaha uu dalku uga gudbayo nidaamka kumeel gaarnimada oo lagu maamulayay Soomaaliya muddadii 10kii sano ee ugu dambaysay iyadoona u gudbaysa nidaamka dawladinimo buuxda.
Maalinimadii shalay ayay ahayd markii xubna baarlamaan cusub oo ay yeelanayso dawladda Soomaaliya lagu dhaariyay gudaha magaalada Muqdisho baarlamaankaasi oo la sheegay in uu ka duwan yahay baarlamaanadii la soo dhisay muddadii uu burburka ku jiray dalku ,baarlamaanka cusub ayaa durbaba iska dhex doortay afhayeen cusub kaasoo ay u doorteeen Gen:Muuse Xasan Cabdulle oo isagu ah ninka ugu da,da weyn xubnahaan cusub ee baarlamanka isagoona ka mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed.
Isbadelka siyaasadeed ee ka soconaya Soomaliya kaasoo looga baxayo nidaamkii kala guurka waxaa durbaba soo dhaweeyay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddanka Kenya.
Nuura Axmed Canshuur waa haweeney Soomaaliyeed oo ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab waxay idaacadda Ergo u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay isbaddalka siyaasadeed ee ka soconaya Soomaaliya.
“waxaan ka codsanayaa xubnaha cusub ee loo dhaariyay baarlamaanka Soomaaliya in ay noo xulaan hogaamiye wanaagsan oo noo naxariista ,Ilaahay baan idinku dhaariyayee noo soo xula hogaamiye anfaca dalkiisa iyo dadkiisa naga ilaaliya mid ku shaqeeya qabyaalad, musuqmaasuq iyo nin jeclaysi” ayay tiri Nuura oo indhaheedu ay ka qubanyeen ilmo.
Nuura ayaa sheegtay ugu dambeyntii in ay ku rafaadsan tahay xeryaha qaxootiga sidaa darteedna ay door bidi lahayd in ay ku laabato dalkeeda.
Anigu ma qabo in baarlamankani cusub oo keeni karo wax is badal ah maxaa yeelay waxaa u badan dad ka yimid dibadaha oo aan wax saamayn ah aan ku lahayn gudaha, sidaana waxaa Ergo Uu sheegay Axmad Abshir Kooreeye oo isaguna ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Xagar dheer, Axmad ayaa intaasi ku daray in badi xubnahaan cusub ee loo doortay baarlamanka aysan ku lug lahayn siyaasadda dalka.
“Waxaan u baahannahay hogaamiye waddani ah oo jecel dalkiisa iyo dadkiisa , madooneyno caada qaate na iibsada, ma dooneyno afar jeeble, ma doonayno mid kala sooca bulshadeena oo shisheeye kalkaal ah” sidaana waxaa Ergo u sheegay Mukhtaar Shariif Dhuxuloow oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Xagar dheer.
“Ilaahay ka yaaba noo soo xula qof na bad badin kara Alaa bad baado hayee, halkaan waxaa nagu haysta rafaad iyo dar xumo, waxaan rabnaa hogaamiye naga saara dhibtaan aan ku jirno dibna noogu celiya dalkeenii” sidaana waxaa Ergo u sheegay nin oday ah oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xagar dheer.
Si kastaba ha ahaatee 20ki August ayay ahayd xilligii lagu ballamay in Soomaaliya ay kaga baxdo kal guurka una gudubto nidaamka dawladnimo ee caadiga ah, waxaana xubnahan cusubi ee baarlamaanku isku raaceen in 26ka bishan ay soo dooran doonaan afhayeenka rasmiga ah ee gudddoonka baarlamanka, kaddibna waxaa loo gudbi doonaa doorashada hogaamiyaha afarta sano ee soo socota Soomaaliya hoggaamin doona.
Yusuf Keynaan/Farxaan Lafoole/CC/MG/