Midawga reer Yurub oo ah mid kamid ah deeq-bixiya ugu weyn ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay tillaabooyin loo qaaday sidii wadanka looga saari kumeelgaarnimada, iyadoo la soo xulay baarlamaan cusub oo isla shalay Magaalada Muqdisho lagu dheeriyay. Tanoo soo afjartay waqtiga kumeelgaarnimada oo ay Soomaaliya ku jirtay 10kii sano ee la soo dhaafay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midawga Yusub ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in ay guultahay in Soomaalida ay dalka gudihiisa ay goáan mustaqbal dalkooda ku gaaraan.
“Waxaan uga mahadcelinayaa guddiga farsamada ee soo xulaya baarlamaanka cusub, shaqada ay qabteen, iyagoo soo magacaabay xubnaha baarlamaanka cusub taasoo qeyb ka ah mabaadiidii Garowe. Waxaanu ku boorinaynaa dhamaan ka qeybgalayaasha nidaamkaas in ay sii wadaan shaqadooda si ay nabad uga dhaliyaan Soomaaliya” sidaasi waxaa tiri wakiil sare ee Midawga reer Yurub Catherine Ashton.
Wakiilka Catherine Ashton ayaa uga mahadcelisay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM, dadaalkiisa ku aadan sidii uu nabad ugu soo dabaali lahaa Soomaaliya.
Mrs Ashton ayaa sheegtay in xubnaha la soo gudbiyay ay mudanyihiin in ay matalaan umadda Soomaaliyeed, waxa ay ugu baaqday odayaasha iyo guddiga farsamada in ay howlahooda horey u sii wataan iyagoo aan lagu samayn wax faragelin ah.
“Waxaan rajeynaynaa guulaha wanaagsan ee la gaaray inay sii socon doonaan si loo dhamaystiro waxyaabaha ka harsan maalmaha inagu soo aadan sida Baarlamaanka oo yeesha nidaam buuxa, isagoo soo magacaabo madaxweyne iyo in sidoo kale la dhamaystiro shaqooyin kale ee dhamin”, ayay tiri.
MG