Inta badan haweenka gobollada Soomaaliya ayaa cabasho xooggan ka muujiyey marin habaabin lagu sameeyey hannaankii xulidda wakiillada cusub ee Soomaaliya, kaddib markii sida ay sheegeen la baal maray qoondadii haween ahaan ay ku yeelan lahaayeen baarlamaanka cusub ee haatan xulistiisii geba gebo marayso.
Shir baaxad leh, oo ay ka qaybgalayeen haweenka deegaannada Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo kuwa gobolka Hiiraan, kuna saabsan sida ay uga xun yihiin baal-marinta lagu sameeyay qoodadoodii ayay ku yeesheen magaalada Garowe.
Horay shirar uga dhacay magaalada Garowe oo ay yeesheen haween-waynaha ku hadla Afka-Soomaaliya waxaa lagu dhisay guddi ka kooban 13-xubnood kuwaasoo loo gartay inay dabagal iyo qiimayn ku sameeyaan qoodadii haweenka ee 100/30. Balse shirkii Garowe haweenku ay ku yeesheen ayay guddigii haweenka ka koobnaa waxay kusoo bandhigeen natiijo la’aanta ka dhalatay balanqaadkii loo sameeyay haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa in 100/30 ay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ku yeeshaan.
Haddaba dood dheer iyo falanqayn-kaddib shirkii haweenka waxaa kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban lix qodob, waxaana warfidiyeennada u akhrisay Drs, Shamso Xuseen Siciid oo ka mid ah haweenka tacliinta leh ee Soomaaliyeed, laguna casumay shirka.
Qodobadaas oo kala ahaa
In saxiixayaashii hir geliyaan go’aamadii ay sixiixeen ii dhigayey xubnaha haweenka
in maamuladda iyo gobolada dib loogu celiyo fulinteed
In aan wakhti lagu xirin xulista haweenka loona sugo ilaa laga helayo qoonadii haweenka
In bulshada calamka iyo saxiixayaashii ogaadaan in qoondaddii haweenka la baal maray
In haweenka Soomaaliyed gudo iyo dibad ay muujiyaan shucuurtooda ay ku doonanyaan xuquuqdooda
Intii ay socotay doodda haweenku ay ka yeelanayeen qoonadadii horay loogu sameeyay, ayay qaar ka mid ah haweenkii shirka joogay waxay soo bandhigeen talooyin kale duwan, hayeeshee taladii ugu cajiibsanayd ayaa ahayd si looga baxo dhibaatooyinka haweenka kusoo noq noqday ee qaybsiga awoodaha in la sameeyo guddiyo haween dhaqameed beelaha ah, kuwaasoo dhinac fariista odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed una dooda xaqa iyo xaquuqaha aasaasiga ah ee haweenka.
Kooshin/Garowe