DAB KA KACAY XERADA XAGARDHEERE

0
122

Abaaro  saacaddu markay ahayd  10;30  oo saaka ah ayaa mar qura la arkay dab ka kacay gees ka mid ah suuqa weeyn ee xerada qaxootiga Xagardheere,  dadka ayaa mar qura ku anfariiray waxana ay billaabeen inay rag iyo dumar  si aan kala har lahayn ay ugu dhaqaaqaan daminta dabka,  iyaga  oo isticmaalaya biyo iyo estaambooyinka barafka.

Khasaaraha ayaa ah  illaa hadda inta la xaqiijiyey  gubashada shan dhisme ganacsi oo ay ku jirto farmashi  laga maqnaa xilligaas oo uu dabku gudahiisa ka kacay billowgii,  dadka suuqa  ku ganacsanayay ayaa marqura billaabay in ay hantidooda labaxaan intii awooddooda ah, iyagoo ka baqa qaba in dabku baabi’iyo,  laakiin dadka oo aad usoo gurmaday ayaa suura galiyay inay damiyaan.

Dabkaan Xagardheere ayaa imanaya wax ka yar toban maalmood markii suuqii ganacsi ee xerada Dhagaxley uu baabi’iyey dab goor habeennimo ah ka kacay suuqaas oo hanti badanina ku gubatay.

waxyaabaha markasta  sababa dabka kusoo noqnoqday xeryaha ayaa ah mashiinnada dabka dhaliya oo dhexyaal bartamaha suuqyada iyo xaafadaha dadku daganyahay, iyo guryaha dadka qaxootigu ku ganacsadaan oo ciriiri badani ka jiro kana samaysan caws iyo dhis, kaasoo sii fududaynaya in dabku si fudud u faafo.

Farxaan Lafoole/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here