Wixii ka dambeeyay ansixintii qabyo-qoraalkii dastuurka dalka, ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, magaalooyin hoos yimaada dalka waxaa aad looga hadal hayaa qaabka soo xulista baarlamaanka cusub ee la filayo inuu dalku yeesho.
Sida dastuurka cusub ku cad waxaa tirada haweenka ee baarlamaanka ay tahay inay helaan boqolkiiba 30, iyadoo noqoneysa mid ka badan marka loo barbardhigo tirooyinkii hore ee ay ku lahaan jireen
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii dhowaa kulamo gaar gaar iyo kuwa guud waxaa ku lahaa qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood u hanqaltaagaya inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee la filayo.
Waxaana isa soo taraya haweenka Soomaaliyeed ee cabashada ka muujinaya arrintaan, xildhibaanada Caasho Axmed Cabdalla ayaa Radio Ergo u sheegtay “In ilaa xilli dheer haweenku ku dulmanaayeen arrimaha siyaasadda Soomaaliyeed, waxaanan filaynay in nala siiyo 50% mase dhicin taasi, haddase waxaa nala siiyey 30” koley arimahaan xaq ma ahane waa xal, laakiin waa in taas la fuliyaa, ayeyna hadalkeeda ku sii dartay, xildhibaanaddaan ayaa sidoo kale tilmaantay in haweenku mudan yihiin inay ka qayb qaataan aayaha iyo masiirka ummada inay go’ankeeda wax ku yeeshaan.
Guddiga loo soo xulay inay kala shaan dheeyaan xubnaha baarlamaanka ayaa iyaguna in badan ku celiyey xubno la soo gudbiyey, iyagoo ku dhaliilay qabaa’ilka oo aan soo buuxin shuruudihii ahaa inay ku soo daraan haweenka tirada looga baahan yahay, taasoo iyana is qabqabsi badan dhalisay.
FM/MG/MH