Shir ay ka qeybgaleen dalal badan oo soomaaliya ay kamid tahay iyo qaramada midoobay labadii maalmood ee ugu danbeeyayna ka dhacayay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho loogana hadlayay danbiyada ka dhanka ah carruunrta Soomaaliyeed, ayaa ugu danbeyntii si arrimahaasi xal looga gaaro waxaa lagu heshiiyay in marka ugu horreysay ay Soomaaliya saxiixdo heshiiska caalamiga ah ee dhowrita xuquuqda carruurta, si taas ay billow ugu noqoto hakinta xadgudubyada carruurta loo geysto
Heshiiskan waxaa Soomaaliya si wadajir ah ugu saxiixay ku xigeenka reysulwasaaraha ahna wasiirka difaaca, Xuseen Carab Ciise iyo taliyaha ciidanka meleteriga Cabduqaadir Sheeq Cali Diini.
Wasiirka gaashaan dhigga ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu muujinayo in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ugu tallaabsaneyso ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo ay dhowaan un ahayd markii ay dowladda sidoo kale ku saxiixday magaalada Roma heshiiska lagu hor istaagayo askareynta iyo u adeegsiga colaadaha carruurta
Beter Dikereleg oo ka mid ahaa ergada qaramada midoobay ee shirka ka qeybgalay ayaa tilmaamay in qaramada midoobay ay si weyn uga walaacsantahay xadgudubyada looga sheegay in Soomaaliya loogu geysto carruur yaryar kuwaasi oo si joogto ah u dhaca.
Waxaa la soo jeediyay qodobbo farabadan oo ku qotoma ilaalinta xuquuqda asaasiga ee carruurta Soomaliyeed, sida golaha ammaanka qaramada midoobay ay horeba uga deyrisay xaaladda ay ku noolyihiin carruurta Soomaliyeed oo la duudsiiyay xuquuqdoodii asaasiga ahayd, waxaa had iyo jeer taagan dhibaatada heysata carruurta Somaliyeed.
Sida la ogsoonyahay carruurta waaa kuwa ugu badan ee ku dhinta colaadaha hubeysan, waa kuwa la kulma xaaladaha dhibaatada bani`aadannimada ka soo horjeeda oo dhan, kani waa cahdigii labaad ee la saxiixo si loo hirgaliyo sharuucda dhowrista carruurta.
“Dowladda Soomaaliya waxay horeba nooga oggolaatay inay waxbadan kala qaban doonto dhammaan qeybaha sida gaarka ah ugu ololeynayay xuquuqda carruurta, haddana waxaan jeclahay inay waxbadan ka soo dhalaali doonaan sidii looga fogaanlahaaa carruurta aadka u yaryar in laga dhigo ciidamo, iyo in loo adeegsado dagaallada hubeysan dhinac waliba. Haddii la hagaajiyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed, waxaa hagaagi doona dhammaan aayaha umadda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Dikereleg.
Caruurta soomaaliyeed inbadan oo kamid ah waxay waayeen xuquuqihii aasaasiga ahaa ee ay lahaayeenm, sida daryeel la`aan iyo waxbarashada oo aanay helin, arrimahaasi oo ku yimaada sababo badan oo tan ugu horreysa ay tahay dhibaatada wadareed ee dalka haysata, waxaana taas u dheer xadgudubyo isugu jira dil, jirdil, ku shaqeysi, kufsi iyo u adeegsiga dagaallada oo si toos ah iyo si dadbanba ay uga qeybgalaan .
Yuusuf Keynaan/MG/FM