DAB QABSADAY BEERAHA TUULADA KARIN

0
115

 Maamulka deegaanka  Karin  ee gobolka Bari ayaa ka warbixiyay dab qabsaday dhul beereed baaxad leh oo ku yaalla degaankaasi, isagoo sheegay in dabkaasi  uu baabi`iyay beero ay ka baxayeen dalagyo kala duwan sida liin, timir iyo noocyo kala duwan oo dalagyo ah.

Guddoomiyaha deegaanka  Karin  ee gobolka Bari, Axmed Cabdi Goombe oo  la hadlayay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in dabkaasi uu baabi`iyay beero qiyaastii ka badan illaa 400 oo beero, waxaana uu sheegay in dabkaasi uu kacay xilli duhur ah.

“ Waxaa noo soo gurmaday maamulka degmada Boosaaso, waxayna noo keeneen dabdamis iyo booyadaha biyaha si dab ka loogu bakhtiiyo, Alle mahaddii hadda dabku intii waa ka yar yahay.” Ayuu yiri Axmad Cabdi Goombe, guddoomiyaha degmada Karin  ee gobolka Bari, oo sheegay in wax dhaawac ama dhimasho nafeed ah aanu geysannin dabkaasi.

Dadka  deegaanka Karin   ee gobolka Bari ayaa waxay u badan yihiin dad beeralley ah, kuwaasoo noloshoodu inta badan ay ku tiirsantahay qodashada beeraha.
Maxamed Cabdullaahi Kooshin/AA/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here