Xerada Dhagaxleey oo kamid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku jiraan ku dhawaad nus malyuun qaxooti Soomaali ah ayaa waxaa xalay dab xoogan oo ka kacay xeradaas uu baabi’iyay suuqii ugu weynaa xerada ee xaafada A ee Dhagaxleey, balse ma jirin khasaare nafeed oo uu dabku gaystay.
Goob jooyaal iyagu la hadlay weriyeheena xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa u sheegay in dabka uu billawday salaadii Maqrib kaddib xiligaas oo inta badan goobaha ganacsiga la xiray oo ay dadkuna afurayeen.
Khasaaraha dabka ayaa ilaa haatan aan si rasmi rasmi loo ogeyn balse marka la eego baaxadda goobaha ganacsi oo uu dabku baabi,iyay ayaa ah mid aad u ballaaran, waxaa si hor dhac ah loo qiyaasayaa in hantaimalaayiin shillin ah ay ku baaba’day.
Inkastoo dabkaas xalay goor dambe lagu guulaystay in la damiyo haddana wararka saaka aanu ka helayno xeradaas ayaa sheegaya in dabka uu sidoo kale ku fiday xaafado ku dhawaa suuqa, taa oo keentay in qoysaska qaar ay guryahooda ka qaxaan.
Saaka ayaa waxaa suuqa Dhadhaab lagu arkayaa ehelada ganacsatada ay goobahooda ganacsi ku gubteen dabkaasi, iyo sidoo kale dad weyne aad u farabadan oo goobta tuban, kuwaa oo xisaabinaya qasaaraha soo gaaray, waxaana la arkayaa ganacsato aad u murugeysan oo ku hanti belay dabka.
Suuqa weyn ee xerada Dhagaxleey ayaa waxaa ku ganacsan jiray dadweyne aad u farabadan oo noloshoodu ay ku tiirsanayd ganacsiga ay suuqaas ka sameeyaan.
Cabdi fataax Axmed Cusmaan oo isagu ah guddoomiyaha xerada qaxootiga Dhagaxleey oo u waramayay idaacadda ergo ayaa sheegay in dabkaasi uu baa bi,iyay goobo ganacsi oo isugu jira xaruma xawaaladood ,bacadlayaal lagu iibiyo dharka,bakhaaro ,iyo xarumaha lagu iibiyo daawada, isagoona sheegay in aan si dhab ah loo ogaan Karin waxyaabaha uu ka dhashay dabkaasi.
“Dabku waxaa uu baabi’iyay shan ka mid ah todoba dukaan oo aan ku lahaa suuqaasi waxaa ii soo haray laba dukaan oo kaliya” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay Cabdullaahi Barre oo isagu ka mid ah ganacsatada waaweyn ee suuqaasi Dhagaxleey, waxaana uu intaasi ku daray in halkaasi uu ku wayay hanta qiyaastii ka badan illaa 4milyan oo shilinka Kenya ah.
“Ma haysto caawa waxaan ku afuro waxaa iga gubtay bakhaar iyo dukaan aan ku lahaa suuqaasi mana jiraan wax ii bad baaday” sidaana waxaa ku tiraabtay haweeney ka mid ahayd ganacsatadii hantidooda ku waayay dabkaasi.
Mid kamid ah dhallinyaro ku sugnayd goobta uu dabku ka socday ayaa Ergo u sheegay in uu baadi goobayo walaalki oo madaxa looga jiro kaasoo uu sheegay in uu hoyaad ka dhigan jiray suuqa illaa iyo haatanna aysan gacan ku haynin.
Si kastaba dab sidaan oo kale ah oo qasaaro lixaad leh gaystay ayaa sanadkii 2004tii waxaa uu ka kacay suuqa weyn ee xerada Xagar dheere ee xeryaha qaxootiga kaasoo ay dad badani ku waayeen hanta fara badan, dhanka kale ma jiraan waxa dhimasho iyo dhaawac ah oo la sheegay in dabkaasi uu geystay.
Farxaan Lafoole/MG/CC