Khasaaraha dabkii xerada dhagaxleey

0
92

Boqolaal goobood oo ganacsi ayaa shalay ku basbeelay dab xoogan oo baabi’iyay suuqii xerada dhagaxleey halkaa oo uu dabku gaaray dhul dhan qiyaastii shan boqol oo mitir oo isku wareeg ah.

Khasaaraha dabka ayaa waxaa kordhiyay waqtiga ahaa xili habeen ah oo intabadan dadku ay ku guda jireen afur, waxay dadku waayen  si ay ku damiyaan suuqa xilliga oo habeen ahaa iyo iyada oo aysan jirin biyo lagu baqtiiyo.

Cabdullaahi Barre oo isagu ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee suuqa wuxuu lahaa toddobo bakhaar,  waxaa  ka gubtay shan ka mid ah wuxuuna sheegay in isaga hantida uu ku waayay suuqa ay dhantahay qiyaas ahaan afar milyan oo shilinka Kenya ah. Mana aha isaga keliya ee adduunka lacageed ee lagu waayay suuqaas ayaan la soo koobi karin.

Xitaa waxaa gubtay dhammaan xawilaadihii oo dadku ay aad lacago uga qaadanayeen, maaddaama ay dadku ehelladooda usoo dirayaan lacagihii ciidda.

Haween badan way iska ilmaynayaan waxayna garan la`yihiin meel ay wax ka qabtaan, waxaa jira  dad carruurtooda  weysan oo markuu dabku xaafadaha ku dhowdahay ay kala carareen, qaar waxay isaga dulwareegayeen suuqa iyagoo aad u naxsan.

Lama garanayo dabkani waxa uu ka kacay, laakiin warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in dab koronto uu ka kacay matoorrada dabkuna ma yaallaan goob gaar ah waxay dhex yaallaan suuqa iyo xitaa xaafadaha dhexdooda, iyada oo guryuhu ay ka samaysan yihiin dhis, suuqu uma dhisnayn si habeysan, dadka intiisa badan waxay noloshaan ka doorbidayaa in waddankooda oo wali dagaallo ay k ajiraan dib loogu celiyo,  arrimahan waxaa usii dheer dabley u geysata dhac iyo boob hantidooda.

Cabdifitaax Axmed Ismaaciil, guddoomiyaha Dhagaxleey ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay inay marar badan hay`adaha  ay UNHCR u weyntahay ay kala hadleen inay dab-damis keenaan si looga digtoonaado wixii dhacay oo kale, laakiin dhag jalaq looma siin culimada saddexda xero ee Dhadhaab waxay muslimiinta iyo cidkasta oo mas`uul ah u weydiinayaan dadkan inay kaalmo la soo gaaran.

Inkasta oo aysan ahayn  markii koowaad ee suuqa xerada Dhagaxleey uu gubto, haddana khasaare baxaadan leh ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee uu yimaad.

Dabka ayaa sanad kasta ay ku xoolo beelaan boqolaal qof oo ganacsato Soomaaliyeed, laga bilaabo xeryaha, Muqdisho ilaa magaalo xeebeeda Boosaaso, waxyaalaha inta badan loo sababeeyo ayaana ah hababka bulshada Soomaaliyeed u samaystaan ganacsiga oo ah hab khatar badan leh, iyagoo badina goobaha ganacsiga aan looga taxaderin hab lagu demin karo haddii dab dhaco, magaalada Boosaaso ayeyna ahayd meeshii ugu danbaysay ee dab uu baabi’iyo hanti malaayiin dollar lagu qiimeeyey.

Farxaan Lafoole/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here