COLAADAHA OO SAAMAYN KU YEESHAY WAXBARASHADA GEDO

0
81

Dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ee ka taagan qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxay saameyn balaaran ku yeesheen adeegyadii Bulshada ,gaar ahaan howlahii waxbarasho ee ka soconayey qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka iyo Tuullooyinka,taasi oo keentay kumanaan ardey ah oo wax ka baran jirey dugsiyi waxbarasho oo ku yaala degmooyinka qaar ee gobolka Gedo.

Degmooyinka ay saamaynta xoogan ku yeelatay ayaa waxaa kamid ah Garbahaarey,Ceelwaaq,Luuq,Ceelcade iyo weliba tuullooyin hoos yimaada degmooyinkaas.

Dhibaatooyinkaasi ayaa waxay keeneen kala bar ardeydii wax ka baran jirtey dugsiyadaasi in ay awoodi waayeen in ay sii wataan waxbarashadooda ,halka kuwa kalena ay ka barakacaeen guryahooda sababo lala xariirinayo dagaalada iyo Colaadaha ka aloosan qeybo ka mid ah Gobolka,halka dugsiyo faro badan alabaabada la isugu dhuftey,waxaa sidoo kale halkaasi ku baaqdey sanad dugsiyeedkii la soo dhaafey iyo Imtixaanaadkii ay u fariisan lahaayeen ardeyda.

Hadaba iyadoo arimahaasi ay jiraan ayaa saameynta ay dagaalada iyo degananaasho la,aanta ku yeesheen Waxbarashada degmada Garbahaarey iyo deegaanada hoos yimaada ayaa Maamulaha Dugsiga Sare ee deg.Garbahaarey Cali Xasan Ciise waxaa uu sharaxaad uu ka bixiyey xaalada Waxbarasho ee degmada iyo dhibaatooyinka ay kala kulmeen dagaalada,waxaana uu yiri .

Ardaydii wax ka baran jirety ilaa 4 dugsiyo waxbarasho oo ku yaala degmadaasi,islamarkaana ay wax ka baran jireen ku dhowaad ilaa 1500 oo ardey in haatan ay ka soo hartey in ku dhow ilaa 800 oo arday,isagoo hoos u dhacaasina ku sababeeyey daruufaha qalafsan iyo colaadaha ka taagan deegaanka.

Sidoo kale Farax Sheekh Cadow waa madaxa dugsiyada waxbarashada ee ku yaala degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxaana uu faahfaahin uu ka bixiyey dhibaatooyinka ka taagan waxbarashada Gobolka in ay ugu weyntahay dagaalada oo keentay tiradii degooyinka qaar ay ku timaado hoos u dhac aad u balaaran

“Gobolkan waxbarashadiisu labadii sano ee ugu dambeeyey waxay taagneyd heerkii ugu hooseeyey,inkastoo degmooyinka qaar ay haatan ka soo kabanaayn dhibaatooyinkii ay soo mareen,degmada Luuq waxaa ka furan ilaa 3 dugsi hoose ilaa dhexe,degmada ma lahan ayuu yiri Dugsi Sare, Dagaalada saameyn weyn ayey ku yeeshaan waxbarashada gobolka, waxaana dhacda in dugsiyada la xiro marka uu dagaal dhaco, markii la furana ardeydu isku mar ma soo noqdaan oo marka hore tiro ardey ah oo yar ayaa yimaada” ayuu yiri Faarax sheekh Cadow.

Xaaladda waxbarasho ee Gobolka ayaa iminka waxa ay tahay mid  hoos u dhac balaaran uu ku yimid,gaar deegaanada ay ka taagan yihiin xiisadaha Colaadeed ilaa iyo iminkana ma muuqato ififaalo nabadeed oo Ardeydaasi faraha badan ay ku sii wadan karaan waxbarashadooda,maadama weli ay taagan tahay Cabsidii.

Axmed Cumar Saalixi/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here