Dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa shantii maalmood ee u dambeeyey waxaa ka soconayey olole nadaafadeed oo si xowli ah ku socday, kaasoo ay wadaan haweenka magaalada oo go’aansaday inay khashinka ka qaadaan goobo fara badan oo ay ka jirto nadaafad darri baahsan, xilli ay toddobaadyadii ugu dambeeyey gudaha magaalada ay buux dhaafiyeen khashin aad u tiro badan oo dadka qaarkii ay ka muujiyeen wal wal xooggan.
Howshani oo ay soo abaabuleen ururka haweenka degmada Luuq ayaa u muuqatey mid soo jiidatay indhaha dad badan oo deegaanka ah, waxayna durbadiiba haweenkaasi oo gaarayey illaa 65 ruux ay ku guuleyteen iney nadiifiyaan dhammaan xaafadaha magaalada dhexdeeda iyo daafaheedaba ah, waxaana u suurta gashay iney bilicdii magaalda in badan oo ka mid ah soo celiyaan sida warbaahinta ay u xaqiiyeen goobjoogayaal halkaasi ku sugan.
Faadumo Muxumed Cabdille oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Soomaaliyeed ee degmada Luuq ayaa Raadiyaha Ergo waxay uga warbixisey ujeeddada ay u qabteen ololaha nadaafadeed in uu qeyb ka yahay sidii wax looga qaban lahaa nadaafad darida ka jirta deegaanka,iyadoo sheegtayna meelaha ugu daran ee ay ololaha nadaafadeed ay ka fuliyeen inay ka mid yihiin suuqyada, hareeraha webiga, goobaha caafimaadka, waddooyinka, meelaha baabuurta lagu dhaqo iyo weliba goobaha ganacsiga.
Sababta ku dhalisey haweenka degmada Luuq in xilligani ay ku dhaqaaqaan wax ka qabashada nadaafadda deegaanka ayey ku micneysay, markii la arkay khatar caafimaad oo ka dhalna karta deegaanka, maaddaama deegaanka muddooyinkii ugu dambeeyeyba ay si is daba joog ah u soo gaarayeen qoysas faro badan oo reer miyi ah kuna xoolo beelay abaaraha, islamarkaasina ka soo barakacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Bay, Bakool iyo weliba deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Haweenkani ayaa ugu dambeyntii waxay codsi baaq ah u jeediyeen maamulka degmada Luuq iney sugaan ammaanka goobaha ay ka howl galeen si aaney dib ugu noqon sideedii hore, islamarkaana dadka barakacayaasha ah ee soo gaaraya deegaanka ay ka saacidaan adeegyo ay ka mid yihiin xagga hoyga, si loo yareeyo khatarta caafimaad darro ee ka dhalan karta deegaanka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee waa markii ugu horreysay muddo sanad ka badan oo ay haweenka degmada Luuq ay si iskood ah isugu abaabulaan in ay wax ka qabtaan nadaafadda guud ee deegaanka.
Axmed Cumar Saalixi/FM