Dhibaatooyinka nolol xumo ee ka jira gobolka jubbada hoose

0
29

Deegaannada ugu daran ee dhibaatooyinka nolol xumo laga soo sheegayao ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka mid ah Afmadow, Badhaadhe, Kulbiyow, Raaskaambooni, Kudhaa, Buurgaabo, Dhoobley iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan, kuwaasoo ay dagaallo dadka ku qasbay inay ka barakacaan deegaannadooda balse waxaa dadka taas uga sii daray sicir barar baahsan oo ku yimid qiimaha lakala siisto cuntooyinka quutul daruuriga ah oo si weyn deegaannadaasi looga dareemay durbadiiba.

Arrintaan ayaa waxaa loo aaneenayaa kadib markii uu go`doon galay ganacsigii isaga kala gooshi jiray magaalada dekadda ah ee Kismaayo oo ah xudunta ganacsiga ee gobollada Jubbooyinka iyo deegaannada kale ee gobolladaasi.

Mid ka mid ah ganacsatada magaalada Afmadow oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhibaatada ugu daran ee ka taagan degmada Afmadow iyo nawaaxigeeda ay tahay sare u kac iyo qiimo koror ku yimid qiimihii markii hore lakala siisan jiray qeybaha kala duwan ee maciishadaha haba ugu horreeyeena kuwa quutul daruuriga, isagoo arrintaasi u sababeeyay saameynta colaadaha iyo xayiraad uu dhinac ka mid ah xoogagga ku dagaallamay gobolka Jubbada Hoose uu ku soo rogay ganacsigii ka soo bixi jiray magaalada Kismaayo ee aadi jiray deegaannada kala duwan ee gobolada Jubbooyinka.

“Dhaqdhaqaaqii gaadiidka saameyn badan ayay ku yeelatay colaadaha iyo xayiraadda Al-shabaab ay ku soo rogeen ganacsigii Kismaayo iyo Afmadow, wax gaadiid ah oo hadda Kismaayo ka yimaado oo Afmadow imaado malahan, waxaana taasi ay sii adkeysay xaaladda deegaanka oo markii hore ay saameeyeen colaadaha iyo abaarihii ku dhuftay, saameyn badan ayaa jirta,” ayuu yiri ganacsadahaasi.

Sidoo kale deegaannada Jaziiradaha gobolka Jubbada Hoose ayaa kamid ah meelaha ay colaadaha saameynta ku yeesheen waxaana deegaannada Kudhaa, Buurgaabo iyo deegaanno hoos yimaada laga soo sheegayaa dhibaatooyina kala duwan oo is biirsaday kadib markii ay xirmeen dekadihii macmalka ahaa ee ay dadku ka xamaalan  jireen, waxaana deegaannadaasi soo gaaraya dad aad u badan oo markii hore xoola dhaqata ahaa kuwaasoo hadda doonaya inay ka xamaashaan deegaannadaasi.

Waxaa sidoo kale jira biyo la`aan baahsan oo ka taagan deegaannada galbeed ee Jubbada Hoose gaar ahaana Raaskaambooni, Kulbiyow iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmada Badhaadhe, waxaana arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelatay dadka danyarta ah oo aan awoodin inay si dhib yar biyo ay isticmaalaan ku helaan.

Maxamed Ibrahim Faarax oo ka mid ah maamulka deegaanka Raaskaambooni ayaa Ergo u sheegay in dadka ku nool deegaannadaasi oo u badan dad xoolahoodii ku waayay abaartii deegaannadaasi ku dhufatay ay hadda dhibaato weyn ku qabaan sidii ay u noolaan lahaayeen, isagoo intaasi ku daray in dadku ay dhibaato ka heysato helidda adeegyo muhiim u ah nolosha sida  biyaha, cuntada, caafimaadka iyo hoyga.

“Dhibaatada Raaskaambooni iyo nawaaxigeeda ka jirta lama soo koobi karro waxaana kamid ah biyo la`aan aad u daran, cunto la`aan, caafimaad darro, wax barsho la`aan, daryeel la`aan, nafaqo darro iyo dhibaatooyin kale,” Maxamed Ibrahim Faarax

Dagaallo in muddo ah soo noqnoqday ayaa waxay ka jireen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koofurta Soomaaliya kuwaasoo si daran u saameeyay dad danyar ahaa oo markii ay abaartii dhammaatay filayay inay billaabaan nolol cusub.

Khadara Mahamud Hared/FM

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here