Barakacayaasha Gaalkacyo oo ka cabanaya nolol xumo

0
157

Boqolaal  qoysas barakacayaal ah oo ku nool xeryo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa inay wajahayaan xaalado adag oo dhinaca nolosha ah xili dhawaan ay nagu soo aadantahay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Sida ay Radio Ergo u xaqiijiyeen qaar kamid ah barakacayaashan, waxaa dhibaatooyinka ay kacabanayaan kamid ah iyadoo uu dhawaanahan gargaarkii ay heli jireen uu gaabis noqday, markii ugu dambaysayna ay heleen oo kaliyah baco ay u qeybisay hayádda cuntada QM ee WFP.

Mid kamid ah horjoogayaasha barakacayaasha oo u waramay weriyeheena Axmed Taakilo ayaa sheegay in cunno yari, hoy la’aan, iyo dawo la’aan ay kamidyihiin waxyaabaha dhibaatada ugu daran ku haya dadka barakacayaasha ah oo uu sheegay inay awal waxoogaa gargaar ah iyo haweenka tuugsigooda ay wax ku heli jireen.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ku sugan kumanaan barakacayaal ah kuwaasi oo badankood ku soo barakacay abaaro gobolkaas ku soo noqnoqday iyo colaadaha wadanka ka jira.

Haweenay iyana kamid ah dadka barakacayaasha ayaa waxa ay sheegtay in xaaladooda ay taagantahay meel aad u liidata xili ay soo fool-leedahay bisha barakacaysan ee Ramadaan.

Barakacayaasha ayaa waxa ay hayáddaha samafalka ka codsadeen in kaalmooyin binaáadanimo loo fidiyo.

Axmed Taakilo/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here