WARARKII QIIMAHA XOOLLAHA SOOMAALIYA EE TODOBAADKA

0
40

Iyadoo ay soo dhowdahay bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaa waxaa laga dareemayaa in dalabkii xooluhu inuu kor u kacay meelo badan, iyadoo dekeddaha Berbera iyo Boosaasoo oo xudun u ah dhoofka xoolaha Soomaaliya ay tagan yihiin maraakiib door ah oo xoolo u diyaar ah inay qaadaan, waxaase baddi sayladaha waqooyiga, badhtamaha iyo koonfurta isku si saameyey xoolo yaraan ay dadku u aanaynayaan dhowr arrimood, hadaan ku hormarno dhinaca saylada Burco Aadan Jaamac Dhunkaal oo ka mid ah salaydlayda xoolaha Burco ayaa Radio Ergo u sheegay inay wakhtigaan dalab badan oo xoolaha ahi ka jiro halkaas, laakiin aysan jirin xoolo ka yimaadda dhinaca koonfureed sababo uu ku sheegay jidka oo dheer  iyo qiimaha xoollaha oo isku mid ka noqday meelkasta.

Waxayse Saylada Burco xooluhu saaka ka joogaan
Adhiga
Muunada 1aad 76
Muunada  2aad 74
Muunada 3aad 70
Geella waa kuwo hilib keliya waxayna ka joogaan saylada 700 ilaa 850 dollar, geella aaranka ah ee dhoofka ah wuxuu Berbera ku tegayaa 400 oo dollar.

Dhinaca goboladda dhexe ayaa iyaguna qiimaha xooluhu noqday mid aad u koreeya, iyadoo gebi ahaanba ay yartahay xoollaha imanaya sayladdaha, degmadda Guraceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa Cumar Salaad oo ka mid ah ganacsatadda xoolaha sheegayaa in wakhtigaan xaaladdaha nololeed ee xoolo dhaqatadda gobolka wanaagsan tahay, ayna jiraan xilligii gu’gua oo wanaagsanaa iyo gargaar dheeraad ah oo dhinaca raashinka ah ayna keeneen hay’addaha gargaarka gaar ahaan ICRC iyo WFP, arrimahas oo soo nooleeyey duruufihii nolosha ee dadka, wuxuuna sheegay inay manta ay xooluhu ka joogaan Guraceel.

Adhiga
Muunada 1aad 70 dollar
Muunada 2aad 65 dollar
Muunada 3aad 60 dollar
Adhiga daabaxa ah ayaa isna ah 70 dollar
Geella qaliinku wuxuu  marayaa 500 ilaa 700 oo dollar
Awrta yare e dhoofka ah 350 ilaa 400 oo Dollar
Geella dhaqaalka ah ee qaalmaha ayaa iyaguna ah inta u dhaxaysa 700 ilaa 900 oo dollar,
Cumar Salaad ayaa sidoo kale sheegay inay xooluhu wakhtigaan joogaan xilli barwaaqo, duruufahooda caafimaadna wanaagsan tahay. Iyadoo ay jiraan gawaari door ah oo xoolaha u daad guraynaysa dhinaca dekedda Boosaaso.

Dhinaca Baardheere ayaa iyana xoolihii u hayaameen dhinaca koonfureed gaar ahaan dhulalka la yiraahedo waamo, kadib markii gobolkaas roobkii gu’gu ku yaraaday, waxayse qiimaha xooluhu saylada Baardheere ka joogaan siduu sheegay Aadan Axmed Xuseen

Adhiga
Muunada 1aad 75 Dollar
Muunada 2aad 70 Dollar
Lo’da ayaa iyana ah 400 oo dollar.
Geella qurbacda ah = 500 dollar
Geela dhaqaalka ah = 90 dollar

Mohamed Hassan

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here