Boqllkiiba 20 qoysaska ku nool Dhadhaab ayaa waxay wajahaan hanjabaado, habsooc iyo tacaddiyo. Falalka ammaan darrada ah ayaa muddooyinkii dambe aad ugu soo kordhayay gudaha xeryaha.
Hay`adaha ayaa ku baaqay in xal-nabadeed lagu soo dabaalo Soomaaliya, si ay dadka qaxootiga ah ugu laabtaan dalkooda. Shaqaalaha gargaarka ee Dhadhaab ayaa xaalad adag ku shaqeynayay si ay dadka baahan ugu gurmadaan, balse maalgelinta adeegyada gargaarka ayaa aad u yaraa.
Markii in ka badan 160,000 oo qaxooti ah ay gudaha Kenya soo galeen sanadkii 2011, deeqbixiyayaasha ayaa ka jawaab celiyay si loo hubiyo in hay`adaha gargaarka ay u diyaargaroobeen gumadka dadka baahan.
Sanad kadib macluushii dalka Soomaaliya weli dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryahaas ma awoodaan inay dalkooda dib ugu laabtaan halkaasoo ay ka jiraan dagaallo iyo cunno yaraan.
Gudaha xerada Xagardheer oo ah xerada ugu dadka badan xeyaha Dhadhaab ayaa waxaa ka jira caafimaad darro, iyadoo xarumaha caafimaadka ay daawooyinkii iyo qalabkii gabaabsi ka yihiin.
Dadka tirade badan ee iyagu isugu yimaada xrumaha caafimaadka aan ku filneyn ayaa sidoo kale sababi kara cudurrada faafa
. Xaaladda nafaqo darrada ayaa iyadana gaartay 20%. Barnaamijyada nafaqeynta ayaa adeegyo 24-ka saacadood ka fuliya gudaha xeryaha.
Hay`adaha gargaar ee warbiixntan si wada jir ah usoo saaray ayaa waxay kala yihiin CARE, Catholic Relief Services (CRS), guddiga qaxootiga Denmark (DRC), guddiga badbaadinta caalamiga ah ee (IRC), Lutheran World Federation (LWF), Oxfam, Save the Children, iyo Terre des Hommes (TdH).
FM