Falal lagu boobayo dukaamo ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin, isla markaana qaar ka mid ah lagu gubay ayaa ka soconaya Xaafadda Hanofaburg oo ku taalla Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.
Inta la ogyahay ku dhowaad illaa 10 dukaan ayaa boob loo geystay 5 kalana dab ayaa la qabadsiiyay ,inkastoo aysan jirin dil iyo dhaawacyo loo gaystay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.
Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed SASA ee gobolka Western Cape Cabduqaadir Khaliif Maxamed ayaa dhacdooyinkaasi uga wararmay Raadiyo Ergo.
“Sida ay wax u dhaceen haddii aan kaaga warramo saaka aroortii ayay billaabatay in dukaamada Soomaalida la boobo, tirada la gubay illaa afar ayay maraysaa tobaneeyo waa la boobay lama garanayo sababta ka dambaysay inkastoo aan la garan karin waxyabaha hadda sababay.”
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan u soo magacawday Safiir cusub dalka South Afrika, kaasoo ballan qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka lagula kaco Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaasi.
Kulamo badan oo Soomaalida ku nool Koofur Afrika iyo dowladda dalkaasi ay isla qaateen oo ku saabsan sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed, ayaan wax muuqda ka soo bixin iyadoo ay joogto noqdeen dilalka loo geysto Soomaalida ku nool halkaasi.
Cabdulqaadir Axad/FM