HAWEENKA OO DANBIIL KU ADEEGANAYA MUQDISHO 20 SANO KA DIB

0
43

In ka badan 20 sano oo ay colaad ehel u ahayd magaalada Muqdisho ayaa xiligani waxaa laga daraamayaa saan saan daganaansho nabadeed, iyadoo xiligaani aysan magaalada ka jirin madaafiicdii cus cuslaa ee ay dhinacyadu isweydaarsanayeen, waxaa soo noqotay  rajadii nololeed ee  ay qabeen qoysaska Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka oo inta badan ay saamaysay dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaaladii  dalka ka dhacay.

Sidaas dartee ayaa qaar kamid ah haweenka danyarta ah oo kudhaqan magalada Muqdisho ay niyadsami ka muujiyeen degananashaha xiligan jira.

Farhio Ahmed waxa ay ka mid tahay qoysaska ku nagaaday guryahooda  oo ay u saamixi waysay danta in ay ka qaxaan dagaaladii ka socday xaafado ka mid ah magaalada  iyadoo ka hadlaysa saamayntii ay nolosheeda ku yeelatay colaada dalka ka jirtay, ayaa sheegtay in xiligani ay dareemayaan rajo nololeed waxeyna xustay in hada noloshooda ay soo noqotay, dib u dhisna lagu sameeyay guryihii ku yaalay xaafadahooda .

Dhanka kale hoyo Farxiyo oo ka waramaysa sida noloshooda ay tahay xilgan, ayaa sheegtay in xaafada ay ku haysato dukaan yar oo ay ka hesho nolosha ilmaheeda hadana ay dareemaysin wax xoogaa ay nolosha soo noqonayso, iyadoo awal horay aysan suurto gal ahayn inay dukaan xafad dhexdeed ka furato duruufihii amaan ee jiray oo liitay.

Deganaanshaha Muqdisho ayaa qoysas badan waxay ku dhiiri galisay in ay dibu dayactirtaan guryahooda oo ay barakac uga maqnaayeen sanooyin badan, hooyadan oo lagu magacaabo Xaawo kiin ayaa gurigeeda ka maqnayd mudo ay iigu sheegtay ku dhawaad 6 sano, waxey sheegtay in ay rajadeeda nololeed ay tahay mid aad u sarayso, qoyskeedana ay go’aan sadeen in ay dayactir ku sameeyaan gurigooda oo ay madaafiicda ka burburisay, waxey kaloo sheegtay hooydan iney ku faraxsantahay dariskii ay mudo kala maqnaayeen oo qaarkood ay dib isagu soo laabteen.

Dagaalada ka socday magaalada muqdisho ayaa sidoo kale waxa ay saamayn xogan ku yeesheen  nolosha haweenka xoogooda ku shaqeysto gaar ahaan kuwa xaafadaha dharka ka dhaqa, kuwaasoo xiligaankuu sheegaya in rajo fiican oo dhinaca daganaashaha ah ay dareemayaan noloshoodana ay xilgaani wax iska badaleen,, Mumino Jibriil waa hooyo caruurteeda ku korsata waxa ay ka soo shaqeysato dhaqista dharka  iyadoo is barbardhigaysa noloshii hore ee xiligii colaada iyo hada oo la dareemayo xoogaa daganaansho ayaa waxa ay tiri, “ horey nolosheena aad bay u adkeyd  waxaan ahay qof xoogeeda ku shaqeysato oo xaafadaha dharka ka soo dhaqo horey dadkii waaba qaxeen cid wax loo qabanaayo malahayn campkana waxba kama heli jirin, laakiin hada dadkii guryahoodey dib ugu soo laabteen hadaan xaafadaha galo waxba ma soo weynaayo rajo nololeed aan dareemooynaa Alxamdulillaah”.

Dhibaatooynka dagaalada ee dalka ka jira ayaa guud ahaanba waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay nolosha qoysaska danyarta ah waxeyna dadku kaaga sheekaynayaan waqtiyada colaada sida nolosha ay u adagtay iyadoo ay adagtay helista nolol maalmeedka caruurta oo dugsiyada waxbarasho waaya, taasoo ay ka sii darantahayba qal qal iyo murgo amaan daro oo uu qofka joogto u noqota taasoo ugu dambeyntiina sababta caafimaad daro.
Sacdiyo Maxamed/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here