Hubka yar yar oo dhibaato ku haya ammaanka kenya

0
68

Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegaya in afduubyada loo geysanayo shaqaalaha samafalka iyo isku dhacyo-beeleedka woqooyiga dalka ka dhaca ay dabka usii hurinayaan dalabaadka hubka fudud ee rayidka iyo dembiilayaasha ay ka dalbanayaan bannaanka dalka.

2-dii bishan Luulyo, ayaa afar ajaanib samafalayaal ah oo dhammaantood ka tirsanaa hay`adda qaxootiga dalka Norway  (NRC) –laga soo badbaadiyay gudaha Soomaaliya dibna loogu soo celiyay Kenya  kadib markii laga afduubtay deegaanka Dhadhaab ee ku yaalla bariga dalka Kenya, darawalkoodii ayaa la dilay sidoo kale. Bishii October 2011, labo samafale oo u dhashay dalka Spain oo ka tirsanaa hay`adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa laga afduubtay Dhadhaab, illaa iyo haatanna weli waa la heystaa.

1-dii Luulyo, ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay weerarro is xigay oo lala beegsaday labo kaniisad oo ku yaalla magaalada bariga Kenya ku taalla ee Gaarissa, howlgal ballaaran oo dhanka ammaanka ah ayaa haatan ka socda magaalada Gaarissa iyo magaaooyinka dhanka woqooyi  ku yaalla ee Mandheera iyo Wajeer.

Weerarro kale oo kala duwan ayaa laga fuliyay gobolka woqooyi-bari, gudaha Nairobi, iyo magaalo xeebeedka Mombasa, tan iyo intii Kenya ay gudaha u gashay koofurta Soomaaliya bishii October 2011 si ay uga caawiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya la dagaallanka ururka  Al Shabaab.

Dad badan ayaa la dilay boqollaal kalana waxay ku barakaceen isku dhacyo qabaa`il ku saleysan oo ka dhacay magaalada bartamaha Kenya ku taalla ee  Isiolo bishii Febraayo.

“Waxaan wajahnay arrimo badan oo isku cakiran, kuwaasoo ay ka mid yihiin falal dembiyeedyo la adeegsanayo bambooyin oo ay fulinayaan kooxo gaangiistar ah iyo argagixiyayaal,” sidaa waxaa yiri Leo Nyongesa, oo ah madaxa booliiska gobolka  woqooyi-bari Kenya. ” ciidamo badan ayay gobolkaasi soo dhoobtay dowladda. Taasna waxay ka hortagtay weerarro iyo dilal badan oo qorsheysnaa ayuu hadalkiisa sii daba dhigay taliyaha.

Isaiah Nakoru, oo ah guddoomiyaha magaalada ku taalla bartamaha-woqooyiga Kenya ee Marsabit, ayaa sheegay in siyaasiyiinta xitaa qaarkood ay ku lug leeyihiin hubka dalka lasoo geliyo. “Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa lasoo sheegay inay soo iibsadeen hub fara badan, ayna u qeybiyeen beelahooda si ay ula dagaallamaan dadka ka soo horjeeda kuwaasoo ay u yaqaannaan inay cadow ku yihiin qowmiyadahooda, waxayna arrintan u adeegsadaan hannaan siyaasadeed.” Ayuu yiri guddoomiyaha.

Warbixin dhowaan uu ka soo saaray urur wax baara hubka yar yar ayaa muujineysa in tirada hubka  ay si sharci darro ah u heysteen dad rayid ah ay u dhaxeysay 530,000 illaa 600,000, taasoo sanad walba sii kordheysay. Warbixinta ayaa lagu magacaabay Soomaaliya, Ethiopia, Uganda iyo South Sudan inay yihiin meesha ugu badan ee hubka yar yar looga soo geliyo Kenya.

“Guud ahaan woqooyiga Kenya waxaa heysta caqabado badan oo horumar la`aan ah, isku dhacyo qabaa`il ku saleysan iyo waddamo dagaallo ay ka holcayaan oo deris la ah, taasoo keentay inuu noqodo gobolka lasoo geliyo hubka yar yar  ee ugu badan,” ayaa warbixinta lagu sheegay.

Gudaha  Dhadhaab, dadka deegaanka ku ah waxaa lagu soo warramayaa inay cabsi ku nool yihiin sababo la xiriira dembiyada halkaasi laga geysanayo. bishii June, Cabdixamiid, oo ah ganacsade caan ka ah xerada ku taalla Dhadhaab ee Ifo ayaa kooxo hubeysan ay  ku qasbeen  inuu furo dukaankiisa xilli habeen ah, waxayna ka dhaceen illaa 700,000 oo shillinka Kenya ah una dhiganta (US$8,300).

15-kii June, mid ka mid ah hoggaamiyayaasha qaxootiga Isniino Cali Raage ayaa si dirqi ah dhimasho uga badbaadday kadib markii gaari ay la socotay uu ku soo beegmay meel miino lagu aasay, halkaasina ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah rakaabkii iyada la socday.

“Nolosheyda ayaan aad ugu baqdin qabaa ,” sidaa waxaa yiri Liiban Rashiid Maxamed, oo ah guddoomiyaha ururka dhalinyarada xerada Ifo, oo intaas ku daray in qoyskiisa ay ku boorriyeen inuu xilka isaga dego sababo la xiriira hanjabaadyo la soo gaarsiiyay.

Liibaan ayaa loo soo wareejiyay xerada ku taalla woqooyi-galbeed Kenya ee Kaakuma, kadib markii walaalkiisa ka yar lagu toogtay gurigiisa hortiisa bishii  March.

Weerarrada  ayaa sidoo kale saameeyay howlaha gargaar ee gudaha xeryaha. MSF Spain, oo howlo caafimaad ka fulin jirtay xerada Ifo2 ayaa isaga baxday Dhadaab kadib markii shaqaalaheeda la afduubtay  bishii October 2011. Hay`adda laanqeyrta cas ee Kenya ayaana la wareegtay howlihii gargaar ee caafimaadka, balse kadib bilooyin waxaa soo batay carruurta nafaqo darrada la xanuunsan iyo dadka waaweyn.

Afduubkii loo geystay shaqaalihii NRC ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay qaxootiga: “Runtii waan ka walaacsanaa afduubka loo geystay iyo saameynta ay nagu yeelatay sidoo kale; waxaan weynay cuntadii iyo biyihii aan heli jirnay labadii maalmood ee ugu horreysay bishan ,” sida waxaa tiri Caasho Muuse Magan, oo ah hooyo heysata 9 carruur ah.

Qaxootiga ku nool Dhadhaab ayaa sheegaya in booliiska Kenya laftigooda ay qalalaasaha qeyb ka yihiin.

“Wax kalsooni iyo aaminaad ah nama dhex taal annaga iyo booliiska. Lama shaqeyn karno si wax looga qabto ammaanka faraha ka sii baxaya ee Dhadhaab. Intii ay na difaaci lahaayeen ayay dhacaan dukaamadeenna waxayna jirdil u geystaan carruurteenna iyagoo ku marmarsiyoonaya inay walxaha qarxa ka baarayaan guryaheenna iyo xarumaheenna ganacsiga,” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah hoggaamiyayaasha qaxootiga oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Rashiid Cumar, oo ka tirsan hoggaamiyayaasha magaalada Moyale oo ku taalla woqooyiga Kenya ayaa sheegay inay dadka usoo iibsanayaan hubka sababo la xiriira iyagoo aan booliiska ku aamineynin inay difaacaan. “Raggeenna dhalinyarada ah ayaa u adeegsaday hubka inay ugu dhex dagaallamaan gudaha Moyale horraantii sanadkan si ay u difaacaan beelahooda-dowladduna halkan bey joogtay.” Ayuu yiri Rashiid.

Si kastaba, xukuumadda Kenya ayaa sheegeysa inay jiraan dadaallo looga hortagayo ka ganacsiga hubka.
“Qorshayaal cusub ayaa la sameeyay, waxaan ka shaqaaleysiineynaa booliis badan degmada  u dhaxeysa xadka [Kenya-South Sudan] ee Turkana; waxaan sidoo kale sugeynaa oo adkeyneynaa ammaanka meelaha hubka laga soo geliyo,” sidaa waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Rift Valley Cusmaan Warfaa. Oo intaasi ku daray in koox cusub loo xilsaaray inay isha ku hayaan ka ganacsiga hubka.

Warbixintan waxaan ka soo xigannay wakaaladda wararka arrimaha bani`adaannimada u qaabilsan QM ee IRIN.

FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here