DOWLADDA KMG AH EE SOOMAALIYA OO SAXIIXDAY HESHIISKA JOOJINTA ASKAREYNTA CARRUURTA

0
38

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis lagu soo afjarayo askaraytna carruurta, qaraarkaan oo uu saxiixay Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa ujeeddadiisu ahayd in ciidamada qaranka Soomaaliya gebi ahaanba aan loo qori karin carruur, iyadoo saxiixa qaraarkaani ka dhacay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah Soomaaliya ugu soo gebageboobay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxaa qaraarkaan dhiniciisa ka saxiixay u qaybsanaha Qaramada midoobay arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.

Qaraarkaan ayaa dowladda Soomaaliya uga gol leedahay sidii Qaramada midoobay ay uga saari lahayd liiska qaybaha ku lugta leh askaraynta carruurta. Laga soo billaabo sanadkii 2007 dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu eedaynayey inay u qorato carruur aad u yar yar una adeegsato dagaallada.

“Saxiixa heshiiskan wuxuu wax weyn ka baddali doonaan hannaanka xoogagga ammaanka, wuxuuna door wyen ka qaadan doonaa dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya.” Sidaa waxaa yiri ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga.

Ururradda u dooda xuquuqda carruurta ayaa iyaguna si niyadsami leh u soo dhoweeyey go`aankaas lagu joojinayo askaraynta carruurta. “Carruurta Soomaaliyeed waxaa la wada ogyahay in 20-kii snao ee la soo dhaafay la askareynayay, iyadoo diinta islaamka iyo xuquuqda bani`aadamkaba aysan ku bannaaneyn in carruur yar yar oo aan qaan gaarin dagaal la geliyo marka waan soo dhoweyneynaa arrintaan,” Diktooreeso Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah madaxa ururka daryeelka qoyska iyo carruurta SFCC oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho ayaa sidaas u sheegtay Raadiyo Ergo.

Inta badan carruurta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan ayaa qabta shaqooyin aysan u bisleyn oo ay askareyntu ka mid tahay, kuwaasoo ay ku kallifaan duruufaha nolosha ee heysta qoysaskooda iyagoo aan aadin goobaha waxbarashada.

“Inta badan carruura waxaa u geynayay duruufo jira oo dalka shaqooyin wanaagsan kama jiraan, marka qoysku uu soo wajaho duruufo dhaqaale canuggana uu soo roonaado waxay duruuftu ku kallifeysay inuu qori qaato oo uu dagaallamo, marka heshiiskan joojinta askareynta carruurta ee dowladdu ay saxiixday wax badan buu ka baddali doonaa mustaqbalka carruurta.” Ayay tiri Diktooreeso Nuurto.

Dhanka kale, Radhika Coomaraswamy, oo ah wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha carruurta ayaa soo dhoweysay heshiiskan ay dowladda Soomaaliya saxiixday ee joojinta askareynta carruurta, waxayna sheegtay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay dhaqan geliso heshiiskaas.

Iyadoo carruurta Soomaaliyeed ay la derseen dhacdooyin naxdin leh oo ay keeneen dagaallada 20-ka sano socda, ayaa qodobkaan dowladdu saxiixday siinayaa rajo ah inay carruurtu ka badbaadaan markale dhibaatooyin sidoo kalena ay helaan fursado ay ku aadaan goobaha waxbarashada, taasoo niyad sami u ah mustaqbalka jiilasha soo koraya  ayay warbixin Qaramada midoobay ka soo saartay sixiixii heshiiskaas dhammaynta askaraynta carruurta Soomaaliya ku sheegtay.

MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here