Dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa si diirran usoo dhoweeyay tallabadii lagu soo badbaadiyay shaqaalihii samafal ee u shaqeynayay hay`adda NRC, kuwaasoo 29-kii June ay kooxo hubeysan ka afduubteen xerada Ifo2 ee ku taalla Dhadhaab.
Afartaan qof ee ajaanibta ah una kala dhashay dalalka Norway, Canada, Pakistan iyo Filipiin ayaa lagu soo badbaadiyay howlgal cirka iyo dhulka ah kaasoo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Raaskaambooni iyo kuwa militariga Kenya, waxaana howlgalkaan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cali-bulley oo qiyaastii 60km u jira degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Ururka hooyooyinka xerada Xagardheer ayaa u damaashaaday soo badbaadinta samafalayaashaasi, “Annaga haddaan qaxooti nahay, nabad gelyada ayaan quudannaa oo la`aanteed wax adeeg ah ma heleyno, sidaa darteed aad baan uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya xeryaha aan ku sugannahay, waxaan kaloo rajeynayaa in haweenkii MSF u shaqeynayay ee iyagana weli afduub lagu heysto in la soo furto.” Sidaas waxaa tiri mid ka mid ah hooyooyinkaasi.
Hooyooyinkan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin talaabadaas lagu soo badbaadiyay samafalayaasha NRC, isla markaana falalkan ammaan darrada ay saameyn weyn ku yeelato oo loo xirxiro loona dhibaateeyo dadka qaxootiga ah, iyagoo lagu eedeynayo inay iyaga ka dambeeyaan.
Marka falal afduub iyo ammaan darro ay ka dhacaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab, waxay saameynteeda kusoo laabataa dadka qaxootiga ah “Marka samafalayaashaas la afduubtay waxaa nalaga goostay raashiinkii nala siin jiray, adeegyadii gargaar ee aan heli jirnay sidoo kale ma heleyno, marka aad baan uga xunnahay falalkaas samafalayaasha lagu dhibaateynayo.” Sidaas waxaa tiri hooyo Caasho oo aad u warrameysay Raadio Ergo.
Cabdinaasir Seeraar oo ah afhayeenka ciidamada ururka Raaskaambooni oo u warramayay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in laga soo billaabo maalintii ay kooxaha hubeysan afartaan qof ay ka soo afduubteen xerada Dhadhaab ay ciidamadoodu wadeen howlgallo ay ku baadigoobayaan, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay soo sheegaan haddii dad afduub loogu heysto deegaankooda.
Falalka afduubka iyo weerarka loo geysanayo shaqaalaha gargaarka ee ka howlgala xeryaha qaxootiga Dhadhaab, ayaa bilihii ugu dambeeyay kusoo badanayay gudaha xeryahaasi.
Farxaan Xasan Lafoole/FM