Hay`adda caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa sheegtay in tiro badan oo ka mid ah dadka Soomaaliya ku nool ay weli haysato cunto yaraan iyo nafaqo darri baahsan, iyadoo sanad laga joogo xilligii abaartu ku dhufatay waddankaas, Olivier Humbert Droz oo ah ku xigeenka hawlgalka laanqayrta cas ee Soomaaliya ayaa magalada Geneva ka soo saaray qaylo dhaanta ku aaddan xaddiga macaluusha iyo nafaqa darrida haysata dadka Soomaaliyeed oo weli sii koreeysa, iyadoo dagaallada iyo qulqulatooyinka kale ay dadka ku qasbayaan inay ka cararaan guryahooda, dagaalladaas oo curyaamiyey wax soo saarkii iyo dhaqdhaqaaqii ganacisga.
ICRC ayaa amaantay dadaalkii hay`adaha gargaarka iyo dalaggii ka soo baxay beeraha xilligii dayrta oo hoos u dhigay baaxadda macaluushii jirtay sanadkii hore, ayaa haddana Soomaali badan ay mar kale waayayaan waxay ku noolaan lahaayeen, sida uu sheegay Olivier.
Roobkii guga oo ka hooseeyey intii la filayay meelaha qaarna uusan kaba di`in ayaa sidoo kale khatar geliyey kumannaan qof oo noloshoodu ku tiirsanayd tacabka beeraha iyo xoolaha, waxaana intaas u sii raaca qulqulatooyinka oo si baahsan u socda iyo xaaladaha ammaan oo liita. Illaa intii ay billaabatay abaarta iyo nafaqadarri is watay sanadkii 2011- ICRC waxay si joogto ah u taakulaynaysay hay`adda bisha cas ee Soomaaliya, iyadoo gargaar la gaarsiiyey 2 milyan oo qof kuna kala nool koonfurta, bartamaha iyo Puntland.
ICRC ayaa sheegtay inay ka jawaabayso baahiyaha degdegga ah iyo hannaanka soo kabashada waqtiga dheer dadka ay nugleeyeen abaaraha iyo colaadaha, sida uu sheegay Maxamed Sheekh Cali oo ah agaasimaha ICRC ee dhinaca kobcinta dhaqalaaha ee Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in ujeeddada ICRC ay tahay sidii uu qofku cagihiisa isugu taagi lahaa dhaqaale ahaan, taasina tahay tan ay ka shaqaynayaan inay horumariyaan, iyadoo dadka baahan la siinayo cunto ay baahidooda ku haqab tiranayaan muddo lix bilood ah ugu yaraan.
Marka dhinaca cuntada laga soo tago, ICRC waxay taakulaysaa dadaallada bulshadu wadaan ee ay ku joogtaynayaan horumarka noloshooda, sanadihii la soo dhaafayna waxaa fursadahaan ka faa`iidaystay 640,000 oo qof kuwaasoo iyaga laga caawiyey sidii ay u kordhin lahaayeen wax soo saarkooda beeaha.
Hay`adda laanqayrta cas ayaa gargaarka Soomaaliya ka shaqaynaysay labaatankii sano ee dagaallada iyo barakacu ka jiray Soomaaliya.
Maxamed Xasan/FM