Boqollaal qoys oo hore uga barakacay deegaanno u dhaxeeya Faaxadhuun iyo
Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa lagu soo warramayaa durbaba inay soo wajahday xaalado nololxumo tii ugu darneyd,iyadoo dhibaatada ugu daran ee ay ka cabanayaan qoysaskaasina waxaa la sheegayaa inay ugu weyn tahay cunno la`aan, hoy la`aan iyo weliba Caafimaad darro.
Qoysaskani ka barakacay inta u dhaxeysa deegaanka Faafaxdhuun iyo tuulada
Tarako oo Baardheere u jirta qiyaastii illaa 55km,islamarkaana tiradoodu lagu sheegay ku dhowaad illaa 200 oo qoys ayaa sababaha ay ugu barakaceen
deegaannadooda lagu tilmaamay inay la xiriirto cabsi ka dhalatey dhaqdhaqaayada Ciidan ee halkaasi ka taagan,taasi oo keentay in qoysaskaasi
intooda badan ay u firxadaan dhulka miyiga ah ee ku teedsan deegaannadaasi.
Mid ka mid ah Odayaasha tuulada Tarako oo la hadlayay Raadiyo ERGO ayaa
Wuxuu ka deyriyay xaaladaha nolol xumo ee xilligan soo wajahay dadkii ka
barakacay tuulada Tarako iyo nawaaxiga Faafaxdhuun “Dadka deegaanka ku nool oo u badan kuwo danyar ah ayaa ah kuwo hore u soo marey abaaro aad u kulul,balse abaarahaasi iyagoo ka soo kaban waxaa ugu darsamay degganaansho la`aanta, taasi oo danta ku qasabtey boqollaal qoys inay ka cararaan guryahooda,ilaa iyo haddana ma jirto cid gargaar u fidisey.”
Ugu dambeyn wuxuu Odoygaasi ka dalbaday hay`adaha Samafalka,jaaliyadaha dibadda iyo ganacsatada gobolka inay gargaar bani`aadannimo ay la soo gaaraan qoysaskaasi barakacayaasha ah oo uu sheegay
inay dhibato qabaan.
Axmed Cumar Saalixi/FM