CUDUR AAN LA XAQIIJIN NOOCA UU YAHAY OO 11 QOF KU DILAY GOBOLKA HIIRAAN

0
49

11 ruux oo dumar iyo carruur u badan ayaa u geeriyooday xanuun looga shaki qabo inuu yahay  Jadeeco, tiro dad ah oo gaaraya soddomeeyana waxay xanuunkaasi kula il-daran yihiin deegaanka Qoox oo qiyaastii 75km kaga beegan dhinaca koonfur bari magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo xanuunkani lagu arkay muddo saddex toddobaad laga joogo.

Xanuunkanayaa dadka halkaasi ku nool ee reer guuraaga ahi uga shakiyeen cudurka jadeecada ” 11 qof way dhinteen, dad hadda haddaan tirinnay tiradoodu gaareeyso 30 way la jiifaan dadkaas oo u badan dumar iyo carruur da`dooduna u dhaxeyso 12-13,annaga reer Qoox dadku waa iska baahnaa haddana cudurkaan ayaa noogu darsamay,dadka dhintay waxaa ku jira kuwo hal qoys ka soo jeeda, waxaa kaloo dadka dhintay ku jira gabar  toddobo casho aroos ahayd oo reerkooda loo soo diray lana soo diiqay (dhibaadiyey) oo markey timid xanuunkii ku dhacay una dhimatay kadibna walaasheed oo geerida kusoo baxday ayaa tacsi ahaan u timid iyadii ayaa haddana xanuunkii asiibay oo isla gurigii ku dhimatay,” sidaa waxaa telefoonka Ergo ugu xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaankaas oo ku sugnaa Qoox kana gaabsaday inuu sheego magaciisa.

Mar aan wax ka weydiinnay isla goobjoogahani  deggan deegaankaasi calaamadaha ay ku arkeen bukaanka uu soo ritay xanuunkan ee deegaankooda wuxuu yiri “Neefta ayaa horay u boodaysa, indhaha ayaa isaga dhagaya, way gaduudanayaan, sanka ayaa dhiig ka imaanaya oo gaduudanayo sidoo kale, afka ayaa bukoonaya oo humburayo, qofku cunidduu ka joogsanayaa, maqaarka ayaa xumaanaya oo bus bus kasoo baxaya, qufac joogta ah, shuban iyo matag waan ku aragnay.” Ayuu yiri ninkaan.

Goobjoogahani deegaanka ah oo ka jawaabay su`aal ahayd in dadka reer Qooxeed ay fursad tallaal caafimaad oo ka hortag ah ay heleen waligood iyo in kale ayaa wuxuu ku jawaabay “Talaal mar ayaa naloo keenay anigaan kula hadlayo oo guddiga deegaanka ka mid ah ayaa laygu soo wargeliyey, way igu diideen dadku in bulshadeydu tallaalka ka qaataan  waa diideen, carruur aan badneyn oo tobaneeyo ah ayaa deegaanka laga tallaalay, haddana waa badbaadeen oo xanuunku kuma dhicin.”

Deegaankan Qoox oo ah dhul miyi ah, una dhexeeya degmooyinka Buulo-burde iyo Beledweyne aadna uga durugsan magaalooyinka gobolka Hiiraan ayaan lahayn dhammaan adeegga nolosha sida biyaha iyo caafimaadka.

Nin ka mid ah bulshada deegaanka Qoox ayaa sheegay in deegaankoodu uu yahay mid gaadiidku tagi karo oo leh dhabbo ama waddo lagu tago isla markaana ay si dhaqso leh ugu baahan yihiin in samafal caafimaad loo fidiyo, maaddaama xanuunkan dilaaga ahi uu soo ritay dad badan oo ah kuwa bulshada ugu nugul waa carruurta iyo haweenka`e. Wax hay`addo oo dhinaca gargaarka ayaan joogin halkaas, iyadoo deegaankaanna ay adag tahay si lagu gaaro sababo dhinaca ammaanka.

Abdullahi Salad/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here