25 June, 2012 AFGOOYE Waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay ku yaallaan deegaano ay kamidyihiin Ceelasha biyaha Carbiska, Calamada, Xaawo Cabdi iyo Lafoole oo dhawaan gacan ku hayntooda ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa TFG ayaa wali laga dareemayaa in badi laga maqanyahay goobihii ganacsiga iyadoo ay dadka ku haray goobahaas ay si fajigan u dusha uga eegayaan xaalada amaan.
Badi dadkii deganaa goobihaas ayaa waxaa ay haatan billaabeen inay u guurguuraan goobo ay kamidyihiin Muqdisho iyo Afgooye, afaafka hore ee laga galo magaalada Afgooye ayaa waxaa haatan goob xero cusub ah isku abaabulay kooxo barakacayaal ah oo ku biiray dad horay halkaas ugu noolaa oo qudhoodu barakacay.
Cismaan Aadan Maccalin oo ah nin oday ah oo ku nool degaanka xeryaha laga dhisay ayaa waxa uu sheegay in dadkaas oo qaarkood cabsi uga soo cararay wadada Muqdisho iyo Afgooye ay iminka ku noolyihiin marxalad adag oo gurmad degdeg ah u baahan.
Goobahaas ay barakacayaasha ka samaysteen deegaanada cusub ayaa waxaa shalay booqday wafdi ka socday hay’addaha QM qaarkood, kuwaa oo u kuurgalayay xaaladaha ay ku noolyihiin barakacayaasha iyo mida dhinaca amaanka.
Mid kamid ah saraakiisha UNOCHA ee waftigaas la socday ayaa warbaahinta u sheegay in amaan darida ay door ku leedahay in uu yaraado gargaarka la gaarsiin lahaa dadka u baahan, isagoo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu sheegay.
“Sidaad arkaysaan Afgooye kuma aanaan imaan baabuurteena raaxada ah, ee waxaan ku nimid baabuur militari oo ay AMISOM, walaaca nabadgelyo ee la qabo, ma quseeyo Afgooye ee waxa uu quseeyaa wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye laakiin maanta oo aan halkan imi lama kulmin wax dhibaato ah laakiin shalay baabur badan oo wadada soo mareysay ayaa dhowr jeer weerar lagu soo qaaday maadaamaa aan anaga gargaar qaabilsanahay ma ahayn inaan gaari militari raacno laakiin xaalada ayaa nagu qasabtay waad dareemi kartaan mushkilada iyo xaalada hada la marayo” ayuu yiri.
Sarkaalkaas ayaa intaas ku daray in safarkooda uu ku qotomay in ahmiyada la saaro sidii haatan gargaar loo soo gaarsiin lahaa dadka u baahan.
“Safarkeena ayaan ku dareensiineynaa hay’addaha kale in ay Afgooye yimaadaan oo baahi ay halkaan ka jirto” ayuu ku daray.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Gudoomiyaha gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegay in hay’addaha samafalka ay ka fillayaan in wax loo qabto dadka dhibaatada ay saamaysay. Boqolaal barakacayaal ah oo ka cararay dhaqdhaqaaqyadii ciidamadii AMISOM iyo TFG ay kula wareegeen wadada u dhaxaysa Muqdisho ay Afgooye iyo cabsi dagaal oo halkaas ka jirtay ayaa waxa ay u baahanyihiin gargaar dhinacyada hoyga, cunto iyo adeegyada caafimaadka.
Yusuf Axmed Abuukar/MG