Dadkan oo qiyaas ahaan gaaraya ilaa 1000 qof ayaa waxay ku dhibaateysan yihiin meelo ay kamid tahay degmada Luuq oo magaalo ugu dhow, gobolkana ay kuwada yaalaan, halkaasoo ay ku haystaan marxalado ay ugu daran yihiin gaajo, cuduro, hoy la’aan iyo dhibaatooyin kale oo ay kamid yihiin kuleelka qoraxda maalinkii, qabowga dabeylaha wata ee habeenkii ku dul dhacaya iyo xaalado kale oo aaney lahayn waxay ka gabaadsadaan.
Ugu yaraan 200 caruur ah oo kamida dhibanayaashaas ayaa waxay hada xaalado nafaqo darri ah ku haystaan magaalada luuq, sida uu Ergo usheegay Ibraahin Samaan oo deegaan ahaan kasoo jeeda Yurkud, hadana kamida howl-wadeenada Isbitaalka guud ee degmada luuq, waxaanu yiri. “Dadkii Yurkud badankood waxay joogaan Luuq, waxayna ku jiraan xaaladii ugu xumeed. Qiyaastii waa 1000 qof, ugu yaraan 100 caruur ah oo ay wataana waxay la liitaan nafaqa darro, marka waxay ubaahan yihiin gargaar deg deg ah” ayuu yiri Ibraahin.
Yurkut hada waa meel marran oo ay saldhig ciidan oo xoogan ay kasameysteen militariga Ethiopia, waxaana maalinkii halkaas yimaada tiro yar oo dada oo haween ubadan oo halkaas shaah kaga iibsada socotada safarka ku mareysa wadada inta ay baarayaan ciidamada Ethiopia, waxayna faarujiyaan tuulada marka uu gabalku dhaco oo sida uu markale ii sheegay Ibraahin Samaan waxay aadaan dhulka baadiyaha fog oo ay nabadgelyada ahaan u door bideen.
“Hada waxaa maalinkii yimaada tuulada haween yar oo casar liiqii ka galbada halkaas, waxayna ku iibsadaan meesha shaah ay ka gataan dadka musaafiriinta ah, laakiin magaalada dhexdeeda iyo agagaarkeeda waa cidlo oo cidi ma degana, waana saldhig ciidan hada” ayuu hadalkiisa raaciyay ibraahim Samaan.
Gobolka Gedo ayaa bilihii lasoon dhaafay oo idil waxaa lasoo warinayay iney kasoo muuqaneysay xaalado nafaqo darri ah oo soo ridanayay dad ubadan caruur iyo waayeelo ay kamid yihiin kuwo dhawaan kusoo qaxay gobolka, kana yimid meelo kamida deegaano katirsan gobolada Jubooyinka, kuwaasoo haatan banaan yaal ku ah meelo ka tirsan degmooyinka Beled-Xaawo, Doolow, Luuq iyo meelo kale. oo Gedo ka tirsan.
Nuur Cali Faarax/MG