Qiyaasta cudurka HIV/AIDs iyo dadka la nool ee guud ahaan gobollada Soomaaliya ayaan si saxan loo hayn, tanoo ay ugu wacan tahay duruufaha maamul iyo adeegyada caafimaad oo yar oo keenay in si aan muuqan cudurkaani ugu fido bulshada, maamul goboleedka Puntland ayuu cudurkaani ka jiraa iyadoo ururrada ka shaqeeyaa arrarimaah cudurkaani waqtigaan niyadasami ay ka muujinayaan heerka baraarugga cudurka ee bulshada dhexdeeda, inkastoo weli heerkii digtooni ee loo baahnaa uusan ka dhex jirin dadka.
Wakiilka hay`adda maarraynta cudurka HIV/AIDs ee Puntland marka la soo gaabiyana la yiraahdo PAC xafiiskeeda Boosaaso Maxamed Cabdillaahi Khuurshe ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in gobollada Puntland oo dhan hannaanka wacyi gelintu si hagaagsan uga socoto, PAC ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyey 4500 oo qof laga helay 270 qof, iyadoo sahankii ugu danbeeyey ee Puntland lagu sameeyey xaddiga cudurkaan iyo dadka la nool lagu ogaaday sanadkii 2005 – 2006 wuxuu ahaa Puntland 1%, iyadoo 2010 mar kale sahan lagu celiyey cudurku hoos u dhacay noqdayna 0. 5% Waqtigaanna tirada la qaatay waxay muujinaysaa in Boosaaso tahay tan ugu korraysa magaalooyinka Puntland ee ay ku nool yihiin dadka qaba HIV/AIDS, waxaana heerka cudurkaani marayaa Boosaaso 1.2% siduu sheegay wiilkaa hay`adda maarraynta cudurka HIV/AIDs xafiiskeeda Boosaaso.
Iyadoo ay tani jirto ayaa darawallada gaadiidka isaga kala goosha gobollada waddanku, dadka balwadda leh iyo ciidamadu noqdeen dadka ugu khatarta badan ee cudurkaani sida baahsan ugu fido,.
Baxsan Xasan Maxamed waa guddoomiyaha dallad ka shaqaysa dhinaca wacyi gelinta cudurka HIV/AIDS lana yiraahdo Badbaado kana dhisan gobollada Puntland, waxayna sheegtay in cudurkaani uu xoog u korayo, iyadoo taasina ay sabab u tahay iska indho tirka bulshada khatarta cudurkaani uu leeyahay, waxayna sheegtay in darawallada gaadiidka gobollada isaga kala goosha, dadka balwadaha leh iyo goobaha ay ku kulmaan ay kow ka yihiin meelaha ugu badan ee cudurkaani ku sii fido.
Bilaal Cabdiraxmaan waa agaasimaha dalladda isku xirka wacyi gelinta dhalinayrada Boosaaso ee YAHAN, wuxuu sheegay inay xoogga saaraan sidii ay dugsiyada sare iyo dhalinyarada u dhex geli lahayeen, iyagoona ururiyey dadka qaba cudurkaan ee ku nool Puntland, haddana xafiisyo ku leh gobollada, wuxuuna intaas ku daray Bilaal inay dadka cudurkaan qaba iyagu hadda qayb weyn ka qaataan dhinaca wacyi gelinta sidii la isaga ilaalin lahaa cudurkaan, iyadoo ay jiraan dad badan oo weli cudurkaan khatartiisa aysan gaarin tahayna muhiimaddu in xoogga la saaro sidii dadkaas lagu gaari lahaa looguna sharrixi lahaa halista HIV/AIDS.
Cali Muuse Kobra waa mid ka mid ah dadka la nool cudurkaan, waana guddoomiyaha dalladda dadka qaba cudurkan HIV/AIDS kana dhisan Puntland xafiiskooduna yahay Boosaaso, wuxuuna Raadio Ergo u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qayb qaato wacyi gelinta bulshada khatarta cudurka, isagoo hadlayana wuxuu yiri“Aniga runtii intuusan cudurku igu dhicin waxaan ahaa nin meel kasta isaga dhaca balwad badan leh, wuxuuna cudurku igu dhacay xilli aan qayili jiray askarina ahaa, waqtigii i soo maray haddaan dib u xasuustana wax badan oo dayac dhinacayga ka yimid ayaa sabab u ahayd qaadistii aan qaaday cudurkaan” isagoo intaas ku daray Kobra in inkastoo ay hadda xafiis iyo dallad leeyihiin dadka cudurkaan la nooli haddana weli ay jirto takoorkii bulshadu ku haysay, taasina ay tahay arrin loo baahan yahay in laga gudbo lana fahmo in cudurku cid kasta uu ku dhici karo, loose baahan yahay in si wada jir ah la isaga kaashado joojinta fiditaankiisa.
Haweeya Cabdalle Guuleed waa madaxa xarunta VCT ee ku taal isbitaalka guud ee Boosaaso waxayna Raadiyo Ergo u sheegtay in xaaladah VCT Boosaaso la furay October 2006, waqtigaas waxay ahayd meel farta lagu fiiqi jiray qofkii soo gelaya, haddase dadku si iskood ah ayey u yimaadaan iyagoo raba baaritaan ku salaysan inay ogaadaan xaaladdooda caafimaad, waxaa yimaada dadka raba inay is guursadaan si ay u xaqiijiyaan caafimaadkooda, waxayna sheegtay Haweeya in xawligii cudurkaani uu sii kordhayo, iyadoo taas u sababaysay dadka soo gelaya Boosaaso iyo kuwa ka baxaya oo badan, waxayna walaac ka muujisay in dadka qaba cudurkaan ee ay daawooyinka u billaabaan ay yihiin dad socoto ah oo meelo kale u sii hayaama, ayna toddobaad kasta dad cusubi yimaaddan muddo kooban ka dibna ay waayaan meel ay aadeen iyagoon laga warqabin, taasina waa dhibaato jirta, waxayna hadalkeedii ku sii dartay in qofka qaba cudurkaan ee tegaya looga baahan yahay inuu sii qaato daawo ku filan maalmaha socodkiisa iyo warqado caddaynaya xaaladihiisa caafimaad, si goobaha uu tago looga sii wado daaweyntiisa.
Dhamaad.
Mohamed Hassan