19 June, 2012 NAIROBI Weli waxaa dalka Koofur Afrika ka socdo dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee mehradaha ganacsi ku leh gudaha dalkaasi. 17-kii bishan ayaa laba dhalinyaro soomaaliyeed oo ganacsi ku lahaa magaalada Cape town ee dalka Koofur Afrika lagu dilay mehraddoodii ganacsi, kadib markii ay soo weerareen kooxo hubeysan oo dalkaasi u dhashay.
Siyaad Xuseen Cismaan oo ah weriye madax bannaan oo ku sugan Cape town ayaa Raadiyo Ergo uga warramay sida ay wax u dhaceen “Habeennimadii axaddii ayaa kooxo burcad ah ay soo weerareen dukaan ay lahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, halkaasna waxay ku dileen laba qof, dhacdadaan cusubna aad ayay u argagax gelisay ganacsatada Soomaaliyeed.”
Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Barre Xuseen iyo Cabdifitaax Xasan Cali, afhayeenka booliiska dalkaasi oo goobta soo gaaray ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan dilkaasi, iyagoo ugu baaqay Soomaalida inay la shaqeeyaan booliiska.
Dhowaan ayaa waxaa magaalada Muqdisho gaaray wafdi ka socday dalalka Koofur Afrika iyo Muzambique oo uu hoggaaminayay wasiirka dastuurka iyo cadaaladda Koofur Afrika Mr. Jeffrey Radebe, waxayna kulan la qaateen madax ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Raysal wasaare Cabdiwali Maxamed Gaas oo wafdigaasi la kulmay ayaa kala hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalkooda ku sugan, gaar ahaan dowladda Koofur Afrika ayuu ka codsaday inay ku dadaasho sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dilalka lagula kaco Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika ayaa caado ka noqotay dalkaasi, iyadoo boob iyo dhacna loo geysto dukaamadooda, dhowr jeer oo hore ayay kulamo dhex mareen dowladda dalkaasi iyo Soomaalida, kulamadaasoo looga hadlayay dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida balse weli wax muuqda lagama qaban.
MG/FM