18 June, 2012 MALAWI Boqollaal Soomaali ah oo qaxooti ku ah waddanka Malawi ayaa cabasho ka muujiyay dhibaato ay kala kulmeen dhinaca sharciga, qaxootigan oo ku jira xerada Saleke oo ku taalla duleedka magaalada caasimadda ah ee Lilongwe.
Maxamed Cali Cumar oo ka mid ah soomaalida qaxootiga ku ah xeradaas oona soo galay xerada sanada 2006dii ayaa waxa uu u sheegay idaacada Ergo in dhibaatada dhinaca sharciga ah.
Maxamed oo u warramay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in sharci la`aanta darteed aysan Soomaalidu qabin shaqooyinka laga dhexqabto magaalooyinka si ay noloshooda ugu soo saartaan.
“Wallaahi aad bay u adagtahay, qofkii inta ganacsi furto isku dayo inuu noloshiisa ka soo saarto, inta la qabto ayaa dib magaalada loogu soo celinayaa” ayuu yiri Maxamed.
Isagoo ka hadlaya dhinaca dib u dejinta qaxootiga ayaa wuxuu sheegay in muddo labo sano ka hor ah qaxootiga qaarkood laga qaaday wareysiyo si dib u dejin loo siiyo, haseyeeshee ma jirin wax jawaab ah oo ay heleen dadkii la wareystay illaa hadda.
Maxamed Cali Cumar ayaa sheegay in qofkiiba la siiyo 13 kiilo oo galley ah, taas oo aana ku filnayn ” Raashiinka dhib weyn ayaan ku qabnaa, waayo fayl ayaa loo gala, haddana naguma filna raashinka aanu helno, dantana waxay kugu qasbaysaa inaad iska dayso” ayuu yiri.
Inkastoo ay xeradaas ay ka jiraan adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo Waxbarashada, haddana Soomaalida ayaa waxay sheegeen inay sidoo kale qabaan dhibaatooyin aysan qabin qaxootiga kale, taa oo marka ay sharciyada codsadaan loo sheego in laga soo baarayo liiska argagixisada oo ay qaadato muddo dheer inay suggaan sharciga halka qaarka kalena aysanba helin.
Xerada Saleke ayaa la aasaasay sanadkii 1994-tii, waxaana ku jira qaxooti ka soo jeeda waddamo ay ka mid yihiin Congo, Burundi iyo Rwanda.
Faarax Dubad/MG