Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose oo ay dhawaanahan ka dhaceen falal amaan daro oo ay dad rayid ah ku dhinteen, islamar ahaantaasna boob loogu gaystay hanta ay leeyihiin dad rayid ah ayaa waxaa ka dhaqan galay tallaabooyin wax looga qabanayo amaanka degmadaas.
Sida uu xalay ku dhawaaqay gudoomiyaha gobalka shabeelaha hoose ee dowlada kumeelgaarka Cabduqaadir Maxamed Nuur gudiga amniga gobalkaasi ayaa go’aamiyay bandow magaaladaas ka dhaqan gala xiliga haweenkii ah.
Bandawga oo bilaabmaya 6:00 maqribnimo ilaa 6:00 aroornimo ayaa lagu wadaa in uu saameeyo isu socodka gaadiidka wadada dheer ee xiriirsa degmadaas iyo magaalada Muqdisho.
Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in tallaabadaas ay u qaadeen sidii ay amaanka wax looga qaban lahaa, waxaa ay ciidamadu roondayn doonaan waddooyinka xiliga habeenkii oo dhan.
Gudoomiyaha shabeelaha hooseayaa sheegay in bandowgan wixii xalay 17 June ka danbeeya uu dhaqan geli doono uuna saameyn doono gaadiid ka yimaada gobolada ka baxsan degmadaas.
Maamulka ayaa sheegay in gaadiidka ay habeenkii ku xarayn doonaan xarumo loogu talagalay islamar ahaantaasna ay aroortii shaqadooda dib u bilaabi doonaan.
“Gaariga meel alaalle meesha uu yimaado ayuu seexanayaa, amaanka waa la sugayaa” ayuu Cabduqaadir Maxamed Nuur.
Go’aankan maamulka degmada Afgooye ka soo baxay ayaa waxaa durbaba cabasho ka muujiyay darawalada gaadiidka isaga goosha Muqdisho iyo degmadaas, iyagoo ku dooday in arrintaas ay waxyeelo u gaysan doonto ganacsiga siiba caanaha iyo isku socodka dadka ka ganacsada meelaha ka baxsan Afgooye ee u soo shaqo tagi jiray sida magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah darawalada kaxeeya gaadiidka xamuulka ee wadadaasi mara ayaa radio ergo ugaga waramay sida ay arintani u saameyneyso, wuxuuna yiri.
“ Haa aad bay arrintaas noogu adagtahay, waayo gaadiidkeena waxa uu shaqayn jiray habeenkii oo aanu ku soo qaadi jirnay qudaarta iyo caanaha”.
Degmada afgooye ayaa ah goobistiraatiiji ah oo ay maraan wadooyin muhiim ah oo isku xira guud ahaangobalada koonfurta soomaaliya kuwaasi oo xili waliba wadan isticmaali jiray goaankan uu si weyn u saameyn doono.
Yusuf Keynaan/MG/