Deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa ka mid ahaa goobo ay ka taagnaayeen dhibaatooyin bani`aadannimo sanadihii ugu dambeeyay, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay nolosha dad fara badan oo ay ugu horreeyaan carruurta iyo haweenka.
Caafimaadka deegaanka oo aad u liita ayaa keenay inay adkaato nolosha dadka u nugul cudurrada oo carruurta ay ku jiraan, waxaana taasi si weyn looga dareemay tuulooyin ka tirsann gobolka Bakool markii dadka ay ka soo gudbeen mashaqadii abaarta isla markaana ay la kulmeen roobab deegaannadii ay ka da`een oo ay ka dillaaceen cudurro duumadu ay ku jirto.
Waxaa aad u adkaa in gobolka howlo samafal ay ka fuliyaan hay`adaha gargaarka ka shaqeeya, kuwaasi oo walaac ka muujinayay xaaladaha nabadgalyo ee gobolka.
Dadka ku dhaqan degmada xudur iyo tuulooyinka hoostaga ayaa markii ugu horreysay helay adeeg caafimaad kadib markii maalmo ka hor gudaha degmada Xudur hay`adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ay ka furtay xarun caafimaad oo lagu daryeelo dadka la xanuunsanaya cudurrada kala duwan.
Tan iyo markii la hawlgaliyay xaruntaasi oo ay ka hawlgalaan shaqaale caafimaad oo ka tirsan WHO waxaa lagu guuleystay daweynta dad u badan carruur iyo haween oo la dhibaateysnaa cudurro kala duwan.
Iskuduwaha gurmadka deg degga ah ee WHO Soomaaliya, Dr Cumar Saalax oo ku sugan degmada Xudur oo aan telefoonka kula hadlay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maalintiiba ay daaweeyaan dad lagu qiyaaso 200 oo la xanuunsanaya cudurro kuwaasi oo qaarkood u baahan in qalliin loo sameeyo.
Wuxuu sheegay in seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka hawlgalyeen degmada xudur islamarkaana maalin waliba ay xalliyaan illaa iyo toddobo kiis oo la xiriira dhibaatoyinka caafimaad ee ay qabaan bukaannada gaaraya xarunta hay`adda WHO ay ka furtay degmada xudur, dadka ay caawiyaan oo ay qaabilaan ayuu ku sheegay inay u dhaxeeyaan 100 – illaa 200.
Dhinaca kale Dr Cumar ayaa tilmaamay in xaalado nafaqo darro oo soo wajahay carruurta laga dareemayo gobolka, isla markaana ay ka mid yihiin carruur nafaqo darro ay hayso kuwa ay la kulmeen.
Si rasmi ah looma oga tiro ahaan carruurta nafaqo darrida ay hayso maaddaama xaruntani ay noqoneyso tii ugu horreysay oo laga hergeliyo magaalada xudur, tan iyo markii uu meesha ka baxay isbitaalkii degmada oo aan hawlgalin sanadihii ugu dambeeyay.
Saraakiisha caafimaadka WHO ee ku sugan gobolka Bakol ayaa tallaabadni ku micneeyay mid lagu daboolayo baahida caafimaad ay qabaan bulshada ku nool deegaannada iyo degmooyinka kala duwan ee gobolkaasi.
Guddoomiyaha degamada Xudur Maxamed Macalin ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka ay caawiyaan ka sokow hay`adda WHO gobolka ay keentay qalab caafimaad oo muhiim u ah wax kaqabashada cudurrada ay la xanuunsanayaan dadka nugul, oo aan helin gar gaar caafimaad seddexdii sano ee la soo dhaafay.
Inta badan bukaannada la xanuunsanaya cudurrada kala duwan ayaa lagu daweyn jiray cisbitaalka dhexe ee gobolka Bay, kaasi oo fuliya adeegyo caafimaad oo ay ka faa`ideystaan dad badan oo ka kala imaanaya gobollo ku yaalla koonfur galbeed Soomaaliya.
Hay`ado isugu jira kuwo caalami ah iyo NGO-yo maxalli ah ayaa ku hawlan mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyo gobollada Bay iyo Bakool, si dadka ay uga soo kabsadaan saameyntii ay ku yeesheen musiibooyin bani`aadannimo oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnaa gobolladaasi.
Cabdicasiis CKoronto