MAXKAMADDA CIIDAMADA PUNTLAND OO XUKUNNO KU RIDDEY ASKAR KUFSI U GAYSTAY GABAR YAR

0
62

Maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag, ayaa xukunno min 10-sano ah ku riddey labo eedeysane oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida oo kufsi ugu geystay gudaha magaalada Boosaaso gabar 7-jir ah, sida uu maxkamadda horteeda uu ka caddeeyey xeer ilaaliye Cabduqaadir Siciid Gaacshe.

Labada eedeysane ee lala xiriirinayey faldambiyeedka kufsiga ayaa ka hor qirtay maxkamadda inay geysteen falkan kufsiga ah ee lagula kacay gabadhani yar ee 7-sano jirka ah, xeer ilaaliyaha soo eedeeyey labadani askari ee geystay faldambiyeedka kufsiga ayaa ka codsadey maxkamadda in lagu xakumo min 25-sano oo xarig ah iyo xuquuqda ay gabadhu leedahay.

Gabagabdii dhageysiga dacwadda maxkamadda, waxaa ku dhawaaqey xukunka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag Cawil Axmed Faarax.

“Markey maxkamaddu dhageysatey doodda labada eedeysane iyo qodobada ay xeer ilaalintu ku eedeysay, markey aragtey qiraalka ay qirteen eedeysanayaasha inay kufsadeen gabadhani yar, ee aan la horkeenin maxkmadda duruufo caafimaad darteed, waxay maxkamaddu ku xukuntey eedeysanayaasha kiiba 10-sano oo xarig ah iyo xuquuqda gabadha yar”.

Kufsigu wuxuu lumiyaa rajada iyo mustaqbalka gabdhaha, wuxuu ku reebaa walwal iyo walbahaar aan hareyn, sanad kasta waxaa la kufsadaa gabdho Soomaaliyeed mana helaan xuquuqdooda, iyo cid u doodda.

Axmed Somali/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here