Dadkii ka baracay tuulada Galgala ee gobolka Bari oo dhibaato haysato

0
74

14 June, 2012 BOOSAASO Dhulka buuraleyda Galgala ee gobolka Bari oo dagaalo ka socdeen mudooyinkii tegey, waxaa kunool dad isugu jirey beeraley, xoolaley, iyo xijiyeysato, waxayna dantu ku qasabtey in ay ka cararaan deegaanadoodii kadib markii uu saameeyey dagaalka udhaxeeya ciidamada Puntland iyo Ururka Al-shabaab. ee buuraha Galgala, waxaana la xirey dhamaan wadooyiinkii ay isticmaali jireen gaadiidka dadweynaha ee u bixijirey deegaanadan. waxaana ku adkaatey dadkan noolasha, duruufta ayaa ku khasabtey in ay kasoo cararaan deegaanadoodii kadib markii ay waayeen cuno biyo iyo nabadgelyo.

Dadkan kasoo barakacay deegaanada buuraleyda ee Galgala ayaa kor saar ku noqday tuulooyiinka iyo magaalooyiinka ku yaal gobolka, tuulada Af,urur waxay kamid tahay meelaha ay ku nool yihiin dadkani soo barakacay, Radiyaha Ergo oo ay u suura gashey in uu booqdo tuuladan ayaa waxa uu halkaa kula kulmey dad ay ka muuqato dhibaato xaga noolasha ah iyo gudi odayaal ah oo isu xilsaarey sidii loo caawin lahaa dadka soo barakacay, waxayna sheegeen odiyaashu in dadkan ay ubaahan yihiin gargaar bini`aadantinimo.

Magacaygu waa Xuseen Maxamed Xuseen “dhibaatada dadka haysata waxaa laga soo barakacay Galgala, dadkaani waa barakacayaal waxayna quban yihiin tuulooyinka laamiga ku teedsan, xoog yar oo ay hay’ado gargaar soo gaarsiiyeen mooyee, wax kale ma haystaan”
Dadkani barakaca ayaa codsaday in lasoo gargaaro xili xaaladooda noolaleed ee dadkan ay tahay mid aad uliidata maadaama aysan heysan hoy cunto biyo iyo caafimaad, Wasiir kuxigeenka wasaarada Amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo aanu wax kaweydiiney qorshaha Puntland uga degan dadkani kasoo barakacay deegaanada buuraleyda Galgala ayaa yiri.

“Sidaad sheegeysid wey jirtaa arintaas, dawladuna waxbey kaqabatey, heyadaha caalamigana waxbey kaqabteen, wixii kale oo loo qaban karana way noo qorsheysantahay in loo qabto, dadkani dantooda waxa weeye in dib loogu celiyo deegaanadoodii, qorshuhuna wuu noogu jiraa“

Dadka Galgala ka soo barakacay ayaa degey sidoo kale markal laga tago tuulooyinka laamiga, degmada Dhahar wararkuna waxay sheegayaan inay noloshoodu liidato.
Axmed Somali/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here