Guddiga khubarrada dhammeystirka dastuurka qabyada ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga gudbay qabyo qoraalkii uu ku jiray muddo badan dastuurka dalka uuna u gudbay qorma-horaad, la tashiyo muddo kooban kadibna loo gudbayo qormo-labaad si kama dambeys ahna loo horgeynayo guddigii ansixin lahaa
Pro. Maxamed Sheeq Cusmaan Jawaari ayaa inoo sharraxaya hababkii qabyo qoraalka laga gudbay haatan uu soo maray “Qabya-qoraalka wuxuu ahaa kii uu guddiga madaxa bannaan sanadkii 2012-kii ugu soo bandhigay dadweynaha si ay afkaartooda uga dhiibtaan, muddo laba sano iyo dheeraad ayuu bannaanka yaallay dadweynaha way ka doodeen, guddiga markii uu ra`yiga dadweynaha soo ururiyay ayaa guddigeenna oo 9 khubaro ka kooban loo xil saaray inay guddigaas ka kaalmeeyaan dhanka farsamada si fakradaha dadweynaha loogu tarjumo af khaanuuni ah, qormadaas hore waxaa loo diray madaxda dowladda si ay u eegaan, ka dibna qormo-labaad ayuu u gudbayaa taasoo marka al dhammeystiro ka dib loo diri doono guddiga ansixinta.”
Haddaba maxuu yahay farqiga u dhaxeeya qabyo qoraalka laga gudbay iyo qormo horaadka loo gudbay?
Pro. Axmed Cabaas Axmed oo isgana xubin ka ah guddigan khuburrada ayaa inoo sharxaya “Nuxur ahaan wax badan kagama duwana, wuxuu kaga geddisan yahay dhanka farsamada iyo qaab dhismeedka, qabya-qoraalka marka loo fiiriyo qaab buu u dhisnaa markii dib loo fiiriyay ee qorma-horaadk aloo gudbayay waxaa la fiiriyay Soomaalidu sida ay dastuurka u sameysan jirtay laga billaabo 1960-kii illaa kuwii ka dambeeyay, kanna dastuurradii hore ayaa la waafajiyay.”
Ku caddeyn la`aanta xudduudaha Soomaaliya dastuurka qabyada ayaa ka mid ah waxyaabaha ay bulshada ka doodeen, haddaba waxa arrintaasi sabab u ah waxaa mar kale inoo sheegaya Pro. Jawaari “Xudduudaha markaad dastuur qoreyso waa laga tegi karaa waana la caddeyn karaa, dhammaan dastuurradii hore dalka u soo maray kuma caddeyn arrintaasi, waxaana jira arrimo siyaasadeed oo ku hoos jira, una baahan in si nabad gelyo ah loo xalliyo.”
Sida uu ku tala galku yahay horraanta bisha soo socota ayaa lagu wadaa in howlaha dastuurka la soo gabagabeeyo si loogu gudbiyo guddiga ansixinta ku meel gaarka ah, haddii ay oggolaadaanna ay tahay ku talagalka ansixintooda si ugu dambeyn dastuurka loogu meel mariyo afti dadweyne.
Yuusuf Keynaan/FM