SAAMAYNTA AY ISBEDELLADA MAAMUL IYO AMMAANKU KU YEESHEEN WAXBARASHADA GOBOLKA HIIRAAN

0
55

Waxaa badan dhibaatooyinka la soo gudboonaada ardayda ku nool goobaha wax barasho ee ku yaal meelaha iska hor imaadyadu ka dhacaan waddanka Soomaaliya. Ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa tacliintooda ku dhammaysta duruufo aad u adag oo la xiriira heerarkooda nololeed sida degganaasho la`aan dhinaca ammaanka, dhaqaalo xumo ay u dheertahay, barakaca iyo la`aanta hannaan dowladeed ee gobolka Hiiraan. Macallimiinta, waalidiinta iyo dadweynaha kale ee gobolka ayaa si isku mid ah iyana arrimahaani ay u saameeyeen, iyagoo dadaal u gala inay bixiyaan wax kastoo dhiirri gelin u noqon kara inay ardaydu duruufahaas qalafsan uga tegin goobaha waxbarashada.

Cismaan Axmed Maxamed oo ka mid ah arday sanadkaan dhammasatay waxbarashada dugsiga hoose/dhexe/sare ee Beledweyne  ayaa Raadiyo Ergo uga warramay duruufaha ay wax ku barteen “Dhibaato ba`an ayaan soo maray muddadii sanadaha ahayd ee aan soo dhiganayey iskuulka,  tiro illaa saddex goor ayaan ka  qaxay Beledweyne colaado jira dartood.”

Ikaraan Cabdi Axmed oo iyana ku faraxsanayd inay dhammaysato dugsiga sare sanadkaan ayaa iyana tiri “Runtii aad baan u faraxsanahay inaan xilli adag oo colaadi jirto aan dhammeeyo waxbarashadii aasaasiga ahayd, waxaan jeclaan lahaana inaan helo jaamacad arrimaha caafimaadka ah, anoo ku hammiyaya inaan helo tacliinta sare ee jaamacadda.”

Arday isaguna ka mid ah kuwa hadda u fadhiya galaaska afaraad ee dugsiga sare ayaa Raadiyo Ergo uga warramay dhibaatada uu ku qabo ammaan xumida “Maalin maalmaha ka mid ah sanadkii tegey anigoo subax isu diyaariyey iskuulka, ayaa gurigaygii intaanan ka bixin qarax agtiisa ka dhacay, dantuna waxay igu qasabtay inaan maalintii oo dhan guriga joogo, anigoo ka baqaya sidoo kale in xitaa guriga laguugu soo galo, waxaa kale oo marar badan aan guriga ugu negaaday iska hor imaadyo, iyo maamullo cusub oo magalada la kala wareegay.”

Xasan Cali Cabdikariin waa maamulaha dugsiga hoose/dhexe/sare ee Beledweyne, wuxuu sheegay in sanad kasta boqollaal arday ka qalin jebiyaan dugisgaas, iyadoo ay jiraan tirooyin kale oo duruufaha jira ay ku qasbeen inay ka tagaan goobaha waxbarashada, iyadoo sanadkaan 2011 iyo 2012 ay ka qalin jebiyeen dugsigaas 118 arday, inkastoo gabdhuhu yihiin tirada ugu yar ee aada goobaha waxbarashada taasoo ay ugu wacan tahay arrimaha ammaanka oo ay baqdini ka jirto, waxaana sanadkaan ardaydii dugsigaan dhammaystay gabdho ahaa 18 keliya.

Isagoo hadlaya wuxuu yiri “Runtii dugsigaan waxaan ku soo wadnay duruufo aad u adag oo dhinaca ammaanka ah, waxaa qasab noqotay inaan muddo badan bixinno fasaxyo aan ku talo gal ahayn oo dagaallo ama isbeddel maamul oo magalada ku yimid nagu keenay, taasina ma ahan mid annaga naga timid ee duruufo ay keeneen colaadaha ayaa qasab ka dhigay,”
Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay inay dhibaatooyin badan  qabaan “Waxaan ku shaqaynaynaa dowlad la`aan, barakaca ayaa kow ka ah dhibaatada haysata waxbarashada Beledweyne, macallinkii iyo ardaygii aad sugaysay ayaan kugu soo noqonaynin, waana mid haysata dhammaan goobaha waxbarashada ee Beledweyne, illaa waqtigaanna aan wax laga qaban, xitaa mararka qaar waxaa loo geystaa dil. Duruufaha kale ee ardayda Beledweyne haysata ayaa ka mid ah bandowga saaran magalada uu billowdo 7-da subaxnimo illaa 11 barqannimo, waxayna badi ku dadaalaan inay xilliyo hore ka baxaan guryahooda, waxaa kaloo bandowgu uu beddelay jadwalkii dugsiyada.”

Mas`uuliyiinta iyo macallimiinta dhiga dugsiyadda Beledweyne ayaa si niyad sami leh u sheegay inay ka go`antahay inay wadaan goobaha wax barashadda duruuf kastoo jirta.

Xaaladaha ammaan ayaa saamayn ku yeeshay ardayda hababka ay ula nool yihiin qoysaskooda, mid ka mid ah ardayda dhigata dugisga hoose dhexe ee Beledweyne ayaa Raadiyo Ergo u sheegay “Walaal anniga waxaan degganahay xaafadda Kooshin, waxaan iskuulka ka dhigtaa xaafadda Camalow ee isbartiibo, waayahan dambe waan ka guuray xaafaddii waalidkey iyagoo igu dhiirri geliyey inaan dego xaafad u dhow iskuulka, horay Keliga ayaan ka gudbi jiray haddase Keligii waxaa ku jira biyo, buundadii webigana waxaa fadhiya ciidan oo lama mari karo bandow ayaa saran, waxaan dul saar ku ahay qaraabo iyadoo walidkay ay deggan yihiin magaalada.”.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa mas`uuliyiinta goobaha waxbarashada ee Beledweyne ay sheegayaan in tiro ku dhow illaa 200 oo arday sanad kasta ay dhammaysato dugsiyada sare, kuwaasoo sanad kasta tacliinta sare ee jaamacadaha u raadsada gobollada kale ee waddanka iyagoo ay dhegahooda ka sii qaylinayaan duruufihii adkaa ee ay ku soo dhammaysteen dugsiyadii sare.

Haddaba maxay tahay wax qabadka jamaacadda Hiiraan ee magalada Beledweyne? Dr. Cismaan Maxamuud Cilmi waa xiriiriyaha jaamacadda “Annaga waxaan qorshaynaynaa wixii karaankeenna ah inaan qaabilno, ayna ka maarmaan ardaydu inay goobo kale u raadsadaan waxbarashada jaamacadeed, waxaan qorshaynaynaa inaan dhisno kulliyado dheeraad ah kuna soo darno jaamacadda, iyadoo hadda ay furan tahay saddex kulliyadood oo kala ah kuliyadda caafimaadka, shareecada iyo tan tiknoolojiyadda, waxanan qorshaynaynaa inaan kulliyado beeraha oo kale ku soo  kordhinno sanadkaan.”

Dhammaad

Cabdullaahi Salaad/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here