Dhowaaanahan waxaa isa soo tarayay cabashooyin ka imaanayay dad rayid ah, ganacsato iyo mas`uuliyiin ka soo jeeda degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ka dhaceen dhacdooyin amaan darro ah oo qalqal ku abuuray dadka deegaanka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Afgooye ayaa ku eedeeyay ciidanka DKMG ee gacan ku haynta degmadaas ay amni darro iyo dhac ka geystaan degmada Afgooye.
Mid ka mid dadka deegaanka Afgooye oo lagu magacaabo Xasan Aw Bakar oo sharaxaya wixii dhacay markii ay ciidamo dawlada ay soo gaareen degmadaas ayaa radio Ergo u sheegay inay dhibaato iyo isku dhex yaac ay kala kulmeen ciidaamadii degmadaas gaaray, isagoo sheegay in dad badan ay xirxireen tiro badan oo kamid ah ganacsatadana hantidoodii la dhacay.
Xasan Aw Bakar ayaa sheegay in sidoo kale dhac, boob iyo jirdil lagula kaco dadka deegaanka oo ay ka mid ahaayeen ganacsato qaarkood ay lacago baad ah ka qaadeen ciidamada dowladda.
Xildhibaan Cabdiqaaliq Cabdullahi Xamsa oo k amid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda degmada Afgooye ayaa dhinaciisa waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in askar kamid ah kuwa dawlada ay lacago baad ah ka qaataan dadka ganacsatada ah, islamar ahaantaasna cabsi iyo qalqal ay ku abuuranto dadka deegaanka gaar ahaan afartii maalmood ee ugu dambeysay xilli ay dadku filayeen nabadgelyo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay xirxireen dhalinyaro yar yar oo aan gacansaar la lahayn kooxo hubeysan, wuxuuna sheegay inay ku guulaysteen inay siiyaan qaar kamid dhalinyaradaas.
Dhinaciisa Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo ah guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa sheegay in dhacdooyin ka dhacay degmadaas ay jireen balse goor dambe arrimahaas la xaliyay, isagoo sheegay in ciidaamo badan oo magaalada ku dhex roondeynayay magaalada ay jireen, balse ciidamada qaar kamid ah dibada looga saaray banaanka magaalada.
Xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Shabeellada Hoose, guddoomiyaha Afgooye, ganacsato iyo dadka degan ayaa VOA u sheegay in rag ku labisan dharka ciidamada dowladda ay dhac ka geysteen degmada Afgooye, isla markaana falalkaasi aanla aqbali karin.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle/MG/FM