Barakacayaal hor leh oo gaaray Luuq oo codsadey in la gargaaro

0
66

11 June, 2012 LUUQ  Qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah ee ku jira in ka badan illaa 10 xero oo ku yaalla gudaha iyo daafaha degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa markii ugu horreysay waxay ka hadleen dhibaatooyin nolol xumo oo xilligan la soo darsay, iyagoo sheegay in xaaladaha nololeed ee ka jira xeryahaas ay aad u liidato.

Barakacayaashan oo ay ka mid ah kuwa dhowaan gaaray degmadaas ka dib colaado ka soo cusboonaaday gobollada Bay iyo Bakool ayaa tiradooda ay ka badan kumannaan kun, kuwaasi oo ay ka mid yihiin haween, carruur iyo dad da` ah.

Cabdi Cali daahir oo ka mid ah guddiga dadka barakacayaasha ah ay leeyihiin oo ku jira xero ku yaalla degmada Luuq oo la hadlayey idaacadda Ergo, ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee u dambeeyey xaalado adag oo dhinaca nolosha ah ay la soo daristay dad ka badan illaa kun qoys oo ku jira illaa 13 kaam oo ku yaalla gudaha iyo daafaha Magaalada Luuq, inkastoo ay jireen mucaawinooyin la gaarsiiyay haddana sida uu sheegay Cabdi Cali in kaalmooyinkaas aysan ku filnaanin.

Barakacayaashan ayaa dhibaatada ugu daran oo ay ka cabanayaan waxaa kamid ah cuno yaraan, hoyga iyo weliba adeegyada caafimaadka oo cariiri ah.

Qoysaskan oo badankood ka yimid gobollada Gedo,Bay iyo Bakool, ayaa waxay hay`adaha samafalka ka codsadeen in la soo gargaaro.

Axmed Cumar Saalixi/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here