Waa sidee nolosha dhabta ah ee ay dadka ku barakacay gudaha dalka ku sugan yihiin?

0
81
07 June, 2012 GEDO
Barakacu waa xaalad aan sahlaneyn, gaar ahaan marka ay timaaddo sida ay noloshoodu tahay malaayiin ka mid ah umadda Soomaaliyeed ee tiro aan xisaab lahayn ku barakacay gudaha dalka iyo bannaankiisaba.

Ka marqaati ahaanshaha meesha hoose ee ay taallo nolosha barakacayaasha Soomaaliyeed waxaa kaaga filan marka aad tagto, indhahaaguna ay qabtaan daruufaha kala duwan iyo darxumada taalla goobaha lagu barakacay, gaar ahaan xeryaha ay dadka ku barakacay gudaha dalka ku nool yihiin.

Biyo la`aan, cunno yari, cudurro, nadaafad darri iyo hooy la`aan marxalado ay ugu daran yihiin ayaa ka mid ah waxyaabaha ay maciinsadaan barakacayaasha Soomaaliyeed, marka ay soo magansadaan meelaha ay u doorbidaan amaanka, taasoo ku noqota inta badan marxalad ay ku qiimeeyaan sida oraahda Soomaaliyeed ee odhaneysa “Kud ka guur ee qanja u guur”, taasoo macnaheedu yahay tii horaba tanaa nooga shar yareen.

Taas qudheeda waxay haddana barakacayaasha qaar ku keentaa in dhibaatooyinka nololeed ee kasoo wajaha qaxoodii hore kadib ay markale ka cararaan goobihii ay barakac ahaanta u joogeen, tiiyoo ay jirto inaaney kala garaneyn sida ay uga duwan tahay halka ay u qaxayaan meesha ay joogaan markaas, nolol ahaan iyo nabadgelyo ahaan intaba, waana mid ka mid ah jahweerka ka mid noqday nolol maalmeedka dadka uu qaxu joogteystay.

Inta badan weey adag tahay in loo ogaado si dhab ah nolosha hoose ee silica badan, si lamid ah tan muuqata ee ay qabato isha ruux kasta ee ay waqti waqtiyadiisa ka mid ah soo martay inuu arko goob ay bulsho soo barakacday ku nooshahay, hase ahaatee barnaamijkan ayaynu ku dooneynaa ineynu ku sawirno muuqaalka kore iyo kan hoos ee ay umadda ku barakacday gudaha dalka lagaga aragti qaadan karo marka lasoo hadal qaado jawiga nololeed ee ay ku sugan yihiin ku barakacayaasha gudaha dalka.

Inta badan magaalo kasta oo ka mid ah magaalooyinka waddanka waxaa dhex deggan ama hareeraheeda ku sugan barakacayaal ka guryo sameystay buushash ka kooban baco, baakado, ulo jilicsan iyo maryo dhammaad ah, kuwaasoo ay noloshoodu si weyn u liidato, marka loo barbar dhigo dadka deegaanka intiisa badan.

Degmada Garbahaarrey oo xarun u ah gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ay barakacayaashu deggan yihiin, kuwaasoo wax badan kaga duwan nolol ahaan kuwa guryahoodii kasoo cararay, maxaa yeelay ma helaan gargaarka iyo caawinaadda lala daba joogo kuwa la midka ah ee magansaday meelo kale oo waddanka ka mid ah.

Xaajiyow Cali Aadan oo ka mid ah barakacayaasha hada ku nool Garbahaarrey ayaa Ergo u sheegay iney ka soo qaxeen meelo kala duwan oo gobollada Bay iyo Bakool ka mid ah, tiro ahaanna ay gaarayaan ku dhawaad illaa iyo 400 oo qof oo ay noloshooduna ay ku tiirsan tahay uun dawarsi iyo waxay ku soo helaan gacan hoorsi, waxaana sida uu sheegay xaaladdooda uga sii daray markii ay ku xirmeen waddooyin dhowr ah oo soo gala garbahaarrey colaadda ka taagan Gedo.

“Dhibaatada na heysata ma jirto cid ay haysato, maxaa yeelay ma helno haba yaraatee mir gargaar ah, waan dawarsannaa oo kaliya, taas ayay nolosheennu ku tiirsan tahay. Waxaan ku jirnaa xaalad khatar ah ee hanalaga soo gaaro” ayuu ku cataabay odaygaas Soomaaliyeed ee ay isaga iyo qoyskiisa ku nool yihiin xero barakacayaal oo ku taalla Garbahaarrey.

Sidaas ayuun bey u dhadhameysaa, una xanuun badan tahay nolosha dadka ku barkacay waddanka iyo meelo kale oo ay ugu daran yihiin Africa, gaar ahaan dalalka dariska la ah Soomaaliya, hase ahaatee waxaa jira qaar badanoo ka mid ah kuwa ku barakacay dalka gudihiisa oo ka sameeyay meelihii ay maciinsadeen nolol, ganacsi iyo xoogsasho leh, taasoo keentay heer ay wax la wadaagaan dadka deegaanka.

Cali Barre Ismaaciil waa xiriiriyaha xeryaha ay dadka barakacayaasha ah ku nool yihiin ee magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku yaallaan in kabadan 30 kaam oo ay ku nool yihiin kumannaan dadka uga soo baxsaday deegaannadoodii colaado iyo abaaro ku soo noqnoqanayay muddo 22 sano ahayd.

Cali wuxuu Ergo u sheegay iney dadka ku barakacay meelo kala duwan oo Puntland ka tirsan ay hadda ka qeyb qaadanayaan maamulka, amaanka iyo hormarinta bulshada intaba, waxayse Ergo wiidiisay Cali Barre heerka ay gaarsiisan tahay dhibta ay suurtagalka tahay iney qabaan barakacayaasha Boosaaso.

“Boosaaso waxaa ku taalla 32-kaam oo ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay koofurta Soomaaliya ilaa iyo Ethiopia, waxayna hadda inbadan oo ka mid ah qeyb ka yihiin amaanka, maamulka iyo ganacsatada magaalada. Barakacayaashu waxay isguursadeen dadka deegaanka, mana jirto wax ka dhan ah oo ay dareemayaan” ayuu yiri Cali Barre, xiriiriyaha xeryaha dadka soo barakacay ee Boosaaso.

Dadka waxaa ku jira qaar uu barakaco qeyb ka noqday noloshooda oo dhowr iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyeyay marba meel dalka kamida ku qaxayay, markii ay hadba colaadi billaabato ama abaari dillaacdo, xaaladahaasi oo uu wali waddanku bartanka ka taagan yahay.
Maxamed Sahal waa aabbaha qoys Soomaaliyeed oo muddo dhan 35-sano, wixii kadambeeyay 77-kii, sida uu sheegay qax ku jiray, walina marxaladda ceynkaasi ee ay noloshiisu maganta u noqotay kama aanu bixin, waxa uuna ku cataabayaa isaga oo sidaas dhibbane u ah in wixii gar-gaar ahaa ee ay ku soo caawineen samafalayaashu aan si hufan loo soo gaarsiin.

“Ilaa iyo 77-kii ayaan hadba qaxaynay aniga iyo qoyskeyga, waxaase wax kasta inooga daran hadda in iyadoo ay dhibteenu noqotay joogto ay haddana manaxayaal markasta wixii gargaar ahaa ee noolugu soo dhiibay ay gacan bidixeeyaan” ayuu yiri Maxamed Sahal oo hada ku jira Kaam ku yaalla duleedka Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaa ah halka ugu badan ee ay ku nool yihiin hadda dadka ku barakacay dalka gudihiisa, waxaana sida ay Ergo us heegtay hay’adda maareynta musiibooyinka ay gaareysaa waqtigaan tirakoobka ay hayaan ku dhowaad 80,000 oo qof oo kusoo barakacday Muqdisho oo kaliyah, kuwaasoo aan haysan hooy wanaagsan, biyo iyo cuno ku filan, caafimaad, waxbarasho iyo adeegyo kale.

Maxamuud Shiikh Xassan oo xubin firfircoon ka ah hay’adda asi ayaa sheegay in hadda la wada gareystay ineysan dadka ku barakacaya dalka kaafin karin gar-gaar lasiiyo ee ay ubaahan yihiin in loo abuuro wax ay ku maareeyn karaan noloshooda hada iyo tan mustaqbalka si ay uga maarmaan buu yiri ku tiirsanaanta gacan kale ama shisheeyaha.

“Dadka soo barakacay kuma filna gargaar lasiiyo oo kaliyah. waxay ubaahan yihiin in laga caawiyo sidii ay uga maarmi lahaayeen gacan aadane. Hada Hay’adaha caalimiga ah taas wey fahmeen, dadkuna wey noqdeen, kuwa wali ku harsan xeryaha barakacayaashana waxaa xanibay colaadaha kasii taagan deeganadoodii” ayuu ku warramay Maxamed Shiikh oo xubin ka ah Hay’ada Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliya.

Kuwa xuquuqul insaanka udooda ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa ugu dhaw kuwa ugu soo banaan saarista badan baahida ay qabaan dhibanayaasha ay ugu adrran yihiin kuwa guryahoodii kasoo cararay, kuwaasoo in badan la murugooda dhaawac ay lataahayaan barakacayaashja Soomaaliyeed.

Maxamed Xassan Barre Doob waxa uu yahay xiriiriyaha Hay’ada Nabada iyo Xuquuqul Insaanka ee INXA, waxa uuna tilmaamayaa ineysan barakacayaasha Soomaaliyeed ka helin dadka sheeganaya masuuliyadooda maamul gacan qabashadii ay ubaahnaayeen.

“Dadka ku barakacay gudaha dalka waxay xaq uleeyihiin iney helaan hoy, cuno iyo biyo ku filan, caafimaad, waxbarasho iyo adeegyo kale si lamid ah barakacayaasha kale ee eeynigooda ah” ayuu yiri Maxamed Xassan Barre, xiriiriyaha Hay’ada INXA.

Maxamed waxa uu sidoo kale sheegay in iyadoo ay kumannaan Soomaalida kamid ahi hoy la’aani ku hayso meelo badan oo kamida Soomaaliya, Muqdishuna ay kamid tahay ay dowladdu qaadato go’aan xafiisyadii dowladda looga saarayo dadka kasoo qaxay guryahoodii oo aan dib unoqon karin, kuwaasoo uu tilmaamay iney kamid yihiin qaar ay dowladdu horay ubarakicisay.
“Aragtideyda haddaan ka hadlo waxay ilatahay ineysan islaannimada, bini’aadannimada iyo dadnimadaba ku fiicneyn sidee loola macaamilay dadka ay dowladdu ka saartay guryaheedii oo waxay ahayd ineu ugu yaraan dowladdu qaadato mas`uuliyad aaney dadkeedu bannaan yaal ku noqon lahayn” ayuu hadalkiisa raaciyay Doob oo la hadlayay Ergo.

Dhibaatada qaxa Soomaaliyeed ayaa muuqata iney sii jiri doonto illaa iyo inta ay socdaan dagaallada oo ah kuwa ugu badan ee ay Soomaalidu ku uga cararaan hoygooda.
Dhamaad.
Nuur Cali/FM/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here