Kufsiga haweenka lagula kacayo oo ka jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

0
72

07 June, 2012 DHADHAAB  Amaan darrida ka taagan xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa sii kordhaysa, iyadoo ururrada dhinaca arrimaha bulshada ka shaqeeya, kuwa gargaarka iyo dawladda Kenyaba ay isku si u xaqiijinayaan dhibaatada amaan, warka ka imanaya xeryaha ayaa sheegaya in falalka kufsigu ay ku sii kordhayaan xeryahaas gaar ahaan dadka cusub ee soo gelaya xeryaha, waxaana haweenkii ugu badnaa lagu kufsaday xerada cusub ee laga yagleeyey duleedka Xagardheer ee Kaambi Caws.

Toddobaadkaan ayaa laba haween ah loogu geystay kufsi inta u dhaxaysa Kaambi Caws iyo Xagardheere, iyadoo mid ka mid ahi ahayd 16 jir, Cabdiyo Cali Xuseen kana soo barakacday degmada Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoona ay soo barakiciyeen abaarihii sanadkii tegey ku dhuftay waddanka.

Safiya Ibraahim Cige oo ah hooyo haysata carruur loona geystay kufsi ayaa ka warbixisay kufsiga loo geystay “ Halkaan waxaan ka tegey 7-dii saac, markaan marayey lagta u dhaxaysa Xagardheer iyo Caambi Caws ayaa waxaa i soo daba galay nin dhuuban oo dakhar wejiga ku leh, ma aanan arkayn oo iskama dhaadayn, meel dhexe anoo maraya ayuu igu soo booday, waan la diriray, haween baan ahaa oo awood badan ma lahayn, toorrey ayuuse meel walba iga geliyey, markii awooddii iga dhammaatayna siduu doono ayuu iga yeelay, meeshii ayanan anigoo dhiig baxaya ka soo tukubay anoo caga cad, dad ayaana meel dhexe iga soo caawiyey, ambalaas ayaa la igu qaaday waxaana la i geeyay Hit Boska, Xagardheer ayaana la i geeyey markii dambe, daawo kaalmaati ah mooyaane wax kale ma helin.”

Cabdiyo Xuseen Cabdi waa 16 jir waxay iyana ka sheekaynaysaa kufsi loo geystay, “Kaambi Caws ayaan tagnay annigoo u socda Xagardheere, ma haysan lacag aan gaari ku raacno anniga iyo gabadh kalaan ahayn, meel dhexe ayuu nin naga helay, kabihiisuu ila dhacay isagoo markii dambe kufsi ii geystay”

Dhinaca ciidanka amaanka ayaa iyagu sheegay illaa hadda cid ay u soo qabteen falalkaan. Sheikh Xasan Gaab oo ah madaxa dhinaca caafimaadka ee xerada Caambi Caws , isaguna ahaa ninkii isbitaalka geeyey Safiya “Adeer hadaan kaaga warramo kufsigu waa mid si baahsan uga jira xeryaha, Safiya keliyana ma ahan boqollaal kiis oo la mid ah ayaa na soo maray, waxaana dadka in badan u sheegnay inay taxadderaan, duruufta ayaana dadka ku qasbaysa inay dadku u lugeeyaan xerada Xagardheer oo badanaa waddada u dhexaysa y ka dhacaan kufsigu, waxaan u gudibnaa isbitaallada, waxayna xaqiijiyeen in galmooyin xoog badan lagu sameeyey waxna u dhimay jirkooda iyo maskaxdooda”.

Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay UNHCR ayaa sheegtay in dhibaatadda amaan ee jirta ay wax badan hakiyeen hawlihii gurmadka ee loo samayn lahaa dadka cusub ee soo gelaya xeryahaas oo ay waqtigaan ku sugan yihiin dad ka badan 460,000 oo Soomaali ah, iyadoo sanadkii tegey 300,000 oo qof ay ka barakaceen guud ahaan Soomaaliya kuwaasoo magansaday waddamada Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen.

Lafoole/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here