05 June, 2012 BOOSAASO
Hay`adda isku dubaridka arrimaha bani`aadannimada QM ee UNOCHA ayaa kormeer ku sameysay 1,641 guri oo jiingad ah oo loo dhisay dadka barakacayaasha ee ku nool kaamka bariga magaalada Boosaaso, oo ay ku mideysan yihiin kaamam fara badan oo laga soo raray daafaha magaaladaasi. Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu aheyd u kuurgalidda sida ay uga
faa`ideysteen dadka baracayaasha guryahani loo dhisay.
Mashruucaan oo loo soo gaabiyay C.G.I, ayaa waxaa iska kaashanaya hay`adaha UNHCR, CHF,ECHO iyo NMFA, waxaana Mashruucan la soo mariyey hay`adda UNOCHA, iyadoo ay fulineyso hay`ada NRC.
Cabdiraxmaan Hiirad Maxamed, waa sarkaal ka tirsan NRC wuxuuna uga warbixyay Raadiyo Ergo sida ay uga faa`iideysteen guryahan dadka barakacayaasha loo dhisay “Mashruucaan waxaa loogu tala galay in loogu beddelo dadka guryihii horey ay ugu noolaayeen guryo kuwaasi ka wanaagsan, waxaana ka faa`iideystay guryahan 1,641 qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah.”
Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamka bariga Boosaaso ayaa si weyn usoo dhoweeyay guryahan jiingadaha ah ee loo dhisay, waxaana ay inoo sheegeen in hadda ay aad u wanaagsan tahay noloshooda marka loo fiiriyo markii ay degganaayeen buushash yar yar oo ka sameysnaa baco iyo baakado “Magaceygu waa Xaliima markii aan buushka degganaa waxaan ka walwali jiray goormuu dab ka kici doonaa kaamka oo uu gurigaaga guban doonaa? Goormaase habeenkii tuug uu kuu soo dhici doonaa, runtii guryahan jiingadaha ah wax weyn bey na tareen.”
Dhinaca kale dadka ku nool Kaamka bariga Boosaaso ee aan helin fursaddan guryaha loogu dhisayo ayaa ka dalbaday hay`adaha samafalka in loo dhiso guryo “Magaceygu waa Khadiijo Muriidi, habeenkii fooraha kama seexanno, guryaha ayuu naga dumiyaa, waxaan ka cabsannaa dab, tuugada iney soo duleeliyaan guriga ayey kuugu soo galayaan waxay doonaan ayey kuugu sameynayaan,alaabtaadana way kaa qaadanayaan.”
Dadka barakacayaasha ee hoyga u ah guryaha ka sameysan bacaha iyo cooshadaha ayaa had iyo jeer ka cabsi qaba waxyeello ka soo gaarta dabka ka kaca xilliyada xagaaga magaalada Boosaaso.
Warbixin sanadle ah oo ay soo saartey hay`adda UNOCHA ayaa lagu sheegay in
tirada dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Boosaaso ay gaarayaan 50
illaa 55,000 oo barakacayaal ah, oo u badan dumar, carruur iyo waayeel.
Axmed Nuur Soomaali/FM